Goor-ma Ayuu Aqoonsan Doonaa Madaxweynaha Maraykanka Trump Somaliland?

0
97

US,(Baraarugtv.com)-Senator Ted Cruz oo kamid ah saaxiibada Madaxwayne Tump isla markaasina ka tirsan xisbiga Jamhuuriga (Republican Party) ayaa sheegay in Somaliland muhiim u tahay amniga Maraykanka isla markaasina uu rajo weyn ka qabo in Trump uu aqoonsan doono kahor dhamaadka muddo xileedkiisa.

Ted Cruz, waxa uu sheegay xili uu sii kordhayo saamaynta shiinaha ee Gobolka in Somaliland la safatay Taiwan iyo Israaiil isla markaasina ay tahay xulufadda Maraykanka.Senetar Ted Cruz ayaa hadalkan ka yidhi fadhi ay Guddiga Arrimaha Dibedda ee Senate-ka Maraykanku kaga hadlayeen Afrika.

email baraarugnews@gmail.com