- Hargeysa,(Baraarugtv.com)- () .Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kulan muhiim ah kula yeeshay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya & Somaliland, Marwo Francesca Di Mauro iyo Wefti ballaadhan oo ay hoggaaminaysay oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Kulankan oo ahaa mid istaraatiiji ah, waxa Madaxweynaha ku wehelinayey Wasiirro iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan Xukuumadda.
Madaxweynuhu waxa Safiirka Midowga Yurub uga xog-warramay in nabaddu ay Xukuumaddiisa u tahay mudnaanta koowaad, isaga oo faahfaahiyey tallaabooyinka wax-ku-oolka ah ee ay Xukuumaddu ka qaaday xoojinta amniga iyo wadajirka bulshada.
Madaxweynuhu waxa uu Safiirka Midowga Yurub u sharraxay tallaabooyinka muhiimka ah ee ay Xukuumaddu qaaday xagga Amniga iyo Xasiloonida, gaar ahaan Qaramaynta iyo nidaaminta Ciidammada Maddaniga ah oo ka badan 6,000 iyo hubkoodi, taasi oo aanay Somaliland cidi ka caawinin.
Sida oo kale, Madaxweynuhu waxa uu xusay soo afjaridda colaaddii Ceel-Afweyn, taas oo lagu dhammeeyey wadahadal, isu-soo dhawayn iyo nabad ku wada noolaansho. Waxa kale oo uu ka hadlay gogoshii nabadda ee Ceerigaabo oo ay Xukuumaddu ku diyaarisay jawi isku-soo-dhawayn bulsho, wada hadal iyo xal waara oo lagu xoojinayo midnimada bulshada.
Madaxweynuhu waxa uu caddeeyey in Xukuumaddiisa ay ka go’an tahay ilaalinta xasilloonida, nabadgelyada iyo wadajirka bulshada, isaga oo ku boorriyey EU in ay sii xoojiso iskaashiga iyo taageerada arrimaha nabadda iyo xasilloonida .
Madaxweynuhu waxa uu Safiirka Midowga Yurub u caddeeyay mawqifka Jamhuuriyadda Somaliland ee ku saabsan qaddiyadda Madax-bannaanideeda Dhuleed, Cireed, Badeed iyo muhiimadda ay leedahay in Midowga Yurub ay gar-waaqsadaan
nidaamka dimuqraadiyadeed, xasilloonida siyaasadeed iyo horumarka ay Jamhuuriyadda Somaliland ku tallaabsatay muddo soddon sano ka badan.
Madaxweynaha waxa uu Safiirka Midowga Yurub u sheegay in ay Somaliland ka go’an tahay xaqiijinta iskaashiga labada dhinac, sidoo kalena la gaadhay xilligii ay EU-du Jamhuuriyadda Somaliland ula dhaqmi lahayd si gaar ah, loona qoondayn lahaa dhaqaale iyo mashaariic horumarineed oo u gaar ah Jamhuuriyadda Somaliland.
Safiirka Midowga Yurub, Marwo Francesca Di Mauro waxa ay Madaxweynaha ku bogaadisay guulaha wax ku oolka ah ee ay Xukuumaddiisu muddada kooban ku tallaabsatay, waxana ay caddaysay in EU-du ay qiimaynayso nabadda, xasilloonida siyaasadeed iyo hannaanka dimuqraadiyadda ee ka jira Somaliland, isla markaana ay diyaar u tahay in ay kordhiso wadashaqaynta iyo iskaashiga xagga amniga iyo horumarka bulshada.
Kulanku waxa uu ku soo dhamaaday is-faham, iyada oo la isla qaatay in la sii dardargeliyo iskaashiga labada dhinac, si loo xaqiijiyo danaha nabadda, horumarka iyo amniga Gobolka Geeska Afrika.
(),



