Maamul-goboleedka Puntland Oo Caawa La Duqeeyay &Sababta

0
11

Maamul-goboleedka Puntland Oo Caawa La Duqeeyay &Sababta

Puntland-(Baraarugtv.com)-Maamul-goboleedka soomaaliya ee Puntland,ayaa deegaano ka tirsan diyaarado duqayn ka fuliyeen Caawa.Isla markaana Puntland ayaa sheegtay in saacadihii la soo dhaafay duqeyn lala beegsaday xubno ka tirsan Daacish oo ku dhuumanayay togga ku yaalla deegaanka Baallade ee buuraleyda Calmiskaad, gobolka Bari.

Puntland ayaa xustay in ay duqeynta fulisay dowladda Maraykanka oo taageerta howlgalka la dagaalanka argagixisada Daacish.

Bayaan goordhaweyd ka soo baxay howlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland ayaa lagu yiri “duqeyn ayaa saacado ka hor lala beegtay xubno firxadka argagixisada Daacish ka mid ah oo ku dhuumanayay tog ku yaalla Baallade, duqeynta waxaa fuliyey saaxiibada dowladda Puntland ee Maraykanka”.

Ciidamada difaaca Puntland oo sheegay in ay bilaabeen howlgalkii ugu dambeeyay oo lagu soo afjarayo dagaalka Daacish ayaa maalmihii u dambeeyay howlgallo ka waday deegaanka Baallade.
Red Sea intelligence