“Boqor Buur Madow Waxa Uu Caadeystay Cayda Hablaha Soomaaliyeed,Gaar Ahaan….”

0
31

Hargeysa,(Baraarugtv.com)-Suldaanka beesha Ciidagale Suldaan Daa,uud ayaa sheegay in Boqor Buur madow dhaqan iyo caado u noqotey cayda hablaha soomaalida.

Qoraal uu ku qoray bartiisa Facebuugiisa oo aanu ka soo xiganey ayaa u dhignaa sidan. “Waxan xaal ka bixinayaa hadal aan fiicnayn oo ninka wayn ee Boqor buur afkiisa ka soo baxay oo uu gudida nabadaynta ceerigaabo ka wada iyo hablaha soomaaliyeed gaar ahaan hablaha Somaliland oo uu caydooda caadaytay

Gudida nabadaynta iyo shacabka reer ceerigaabo duco iyo hambalyo ayaan hawada u soo marinayaa Ilaahayna waxan uga baryeyaa beerkooda curcad isu mariyo ceerigaabo oo ahayd magaaladii Gobonimada ee bulshada wada degnina ahayd dadkii ilbaxnimada iyo Garaashada Rabi ku siiyey.

Waxan xasusanayaa ina aw maxamuudow  hablaha aad caayeysaa;
MAR WAA KUWAA KULAA DHASHAY
MAR WAA KUWAA KU DHAXAY
MARNAA WAANA KUWA AAD DHASHAY

DHAQAN AHAA IYO DIIN AHAANA HAWEENKA DHANKOODA LAGA KAFTAMO EE ARIMAHAAS HAW NOQOn”.ayuu yidhi Suldaan daa,uud ee beesha Ciidagale