Dalka Ethiopia iyo Jamhuuriyada Somaliland oo Iska Kaashanaya Horumarinta Dhaqaalaha iyo Maaliyadda
Addis-ababa (Baraarugtv.com)–Guddoomiyaha Baanka Somaliland Cabdinaasir A. Hersi, iyo Mamo Esmelealem Mihretu, Guddoomiyiha Hore Baanka Qaranka Itoobiya (NBE), ayaa kulan ku dhex-marey muhiim ah dalka Itoobiya.Isla markaana shirkaa ayaa ahaa xoojin iskaashi dhaqaalaha dawladdaha labada dal ee Itoobiya iyo Somaliland.
Shirkan oo khamiistii maanta ka dhacay caasimada dalka Itoobiya ee Adis,ababa,ayaa masuuliyiinta kala matelayey dawladdaha Somaliland iyo Itoobiya, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta ganacsiga isaga goosha xuduudaha ka dhaxeeya waddamada Somaliland iyo Itoobiya.isla markaana waxay dajiyeen nidaam ama habka lacag-bixinta iyo dejinta (payments & settlements), maalgashiga ganacsiga, iyo la dagaalanka lacag-dhaqidda sharci darrada ah ee foojariga ah.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in quburo ka kala socdey dawladdaha Somaliland iyo Itoobiya shirka wada-yeesheen ka doodeen qaabka sharci ee loo marayo ruqsadaha fintech-yada, isticmaalka lacagaha qalaad (forex operations), iyo sidii loo dhisi lahaa nidaam maaliyadeed ee is-ticmaalka isku xidha labada dal ee Somaliland Iyo Itoobiya.
Sidoo kale,waxa la sheegay in isku afgarteen Gudoomiyeyaasha kala matelayey dawladdaha Somaliland Iyo Itoobiya in la sameeyo koox farsamo oo wadajir ah, dabagal-na ku sameeya qodobadii lagu heshiiyay.
Guddoomiyaha bangiga dawladda Jamhuuriyada Somaliland Cabdinaasir Axmed Xersi oo u qaabilsanaa dawladda Somaliland heshiiska dhex-marey dawladda Itoobiya,ayaa sheegay muhiimadda istiraatiijiyadeed iyo faa,iidada uu u leeyahey dalka Somaliland,isla markaana wuxuu xusay in Dekedda Berbera iyo marinka xadiudaha ay wadaagan labada dal faa,iido wayn ugu jirta labada dhinac ganacsigooda.
Guddoomiye Cabdinaasir waxa uu soo jeediyeyi in si degdeg ah loo dhammeystiro nidaamyada bangiyada iyo caymiska ee fududeynaaya heshiisyada isticmaalka dekeddaha.
Guddoomiyaha bangiga Somaliland Cabdinaasir Axmed Xersi oo waraysi siiyeu wariye Yared Nigussie oo ka tirsan eargeyska The Reporter Magazine oo la soo baxa Adis,ababa ayaa yidhi sidan. “Marinka Berbera maaha oo keliya waddo ganacsi, balse waa buundo mideynaysa koboca gobolka ee qaarada Afrika.wax weyna ka taraysa horumarka bulshada geeska afrika.”
Dhinaca kale, Guddoomiye Maalmo oo afka dawladda Itoobiya ku hadleysay Itoobiya, ayaa sheegtay in heshiiskan wada-galeen Somaliland ay soo dhawaynayaan iyo wada shaqaynta, isla markaana shirkaa lagu falanqeeyay sahlidda socodka lacagaha labada dhinac, nidaaminta ganacsiga jaadka (khat trade), iyo fursaddaha lagu furi-karo xarumo cusub oo bangiyo ah, (branch Bank), oo ka tirsan Baanka Ganacsiga Itoobiya (Commercial Bank of Ethiopia) gudaha Somaliland.
Email office caarshe7@hotmail.com or baraarugnews@gmail.com