muxuu Kala Socdaa Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro Maamul-xumadda Iyo Dhaqanka Foosha-xun Ee Maanta Ka Dilaacdey Gudaha Dekedda Berbera?

0
67

Berbera(Baraarugtv.com)-Maareeyaha Dekedaha Cali Diiriye,ayaa la sheegay in maamul-xumo iyo is dhexyaac adeegii Dekedda Berbera haysato maanta,isla markaana waxa walaac xoogan Laga muujiyey  fashilka shaqadii Dekedda Berbera.
Sida laga soo xigtay ilo wareedyo ka ag dhaw Dekedda Caalamiga ah ee Berbera ayaa xaqiijiyey in durtaba uu shaqadii cusleyd iyo xidhiidhkii Ajaanibta uu ku fashilmay Maareeyaha Cusub ee madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro u magacaabey Dekedaha Somaliland Cali Diiriye oo mudo gaaban hayey shaqadda Dekeddaha Somaliland.
Dekedda Caalamiga ah ee Berbera Port oo ah hal mawle dhaqaalaha Somaliland ayaa ah, meel shaqo badan oo ay gacanta ku ahyso shirkadda Ajaanibka ah ee DP World oo sannadiii la soo dhaafay horumarinta Dekedda ka shaqeynaysa, iyadoo uu mudadaasi la soo shaqeeyey Eng Siciid Xasan Cabdilaahi oo ahaa khabiir weyn oo ku xeel-dheerahaa xidhiidhka caalamiga ah. Haddaba, mushkiladda la soo sheegayo ayaa ah in Dekedda weyn ee Berbera ay hadda soo waajahayso farsamo xumo maamulka cusub ah, haddaba, shaqo xumida ay waajahday Dekedda Berbera wax ma ka qaban karaan Madaxweyne Ciro…?
Haddii aan deg deg wax looga qaban fashila shaqo ee ay waajahayso Dekedda Caalamiga ah ee Berberi waxay sameyn doonta dhaqaalaha Dalkan Jamhuuriyadda Somaliland oo ku tiirsan Dekedda Caalamiga ah ee Berbera.
Qallinkii: Musdafe Jaamac
Berbera/Somaliland

Office Caarshe7@hotmail.com or baraarugnews@gmail.com