Senator Ted Cruz oo ka jawaabay dhaleeceynta Shiinaha ee ku aaddan codsigiisa aqoonsiga Somaliland

0
29

Senator Ted Cruz oo ka jawaabay dhaleeceynta Shiinaha ee ku aaddan codsigiisa aqoonsiga Somaliland

US,(Baraarugtvcon)-Senator Ted Cruz oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Maraykanka ayaa ka falceliyay dhaleeceynta ay ka muujiyeen masuuliyiinta Shiinaha, kadib markii uu 14-kii bishan u diray Madaxweyne Donald Trump warqad uu ku dalbaday inuu aqoonsado Jamhuuriyadda Somaliland, oo ah dal istaraatiji ah oo Maraykanku ka faa’iidaysan karo.

Xildhibaan Ted Cruz ayaa sheegay in cadhoonka Shiinaha uu yahay sabab kale oo kor u qaadaysa fursadda madaxweynaha Maraykanka ee aqoonsiga Somaliland.

“Dhab ahaan, haddii Xisbiga Shuuciga ah ee Shiinuhu sidaas u xanaaqay, waa sabab kale oo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ku dhiirigelinaysa inuu ictirafo Somaliland,” ayuu ku yiri Senator Ted Cruz, isagoo farriintan kooban ku baahiyay X (Twitter) si uu uga jawaabo eedaha ka soo yeedhay Beijing.

Warqadda Ted Cruz ayaa siyaasaddeed ahaan saldhig adag ku noqotay dawladda Muqdisho iyo Shiinaha, kuwaas oo muddooyinkii u dambeeyay ka qeyb qaatay dadaallo lagu wiiqayo Jamhuuriyadda Somaliland, oo ah dal xasilloon oo leh dawladnimo ka dhalatay rabitaanka shacabka.

Wararka Warbaahinta Baraarugnews Radio Baraarug.Com