Maxaa Lagaga hadlay xafladii caawa Ka Dhacday aqalka madaxtooyada Hargeysa

0
6

Hargeysa (Baraarugtv.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa ka qaybgalay xaflad ballaadhan oo lagu xusayay sannadguurada 34-aad ee ay ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madaxbannaanida Somaliland oo caawa lagu qabtay xarunta madaxtooyada ee magaalada Hargeysa.

Xafladaas waxa ka soo qaybgalay Guddoomiyaha Golaha Guurtida, Guddoomiyaha maxkamada sare, Madaxweyne ku-xigeennadii hore ee Somaliland, Wasiirro, madax-dhaqameed iyo diblomaasiyiin ka socday dalalka caalamka iyo marti-sharaf kale.

Waxa xafladaasi heeso waddaniyad ah oo ku wajahan xuska 18ka May ka qaaday kooxaha fannaaniinta ee Wasaaradda warfaafinta, xidigaha geeska, Dayax-band iyo kooxda walaalaha Hargeysa.

Md. Axmed-yaasiin Sh. Cali Ayaanle Wasiirka Warfaafinta,dhaqanka iyo wacyigelinta ahna Guddoomiye ku-xigeenkii guddida qaban qaabada sannad guurada 34aad, ayaa si weyn ugu mahadceliyay shacbiga Somaliland gudo iyo dibadba ee sida weyn u muuneeyay munaasibada qaran ee 18ka May, waxa kaloo oo ammaanay kooxaha fanka ee xafladaas ku soo bandhigay heesaha. Waxaanu tilmaamay inay ummadda u soo bandhigeen tusmooyin u baahan in Somaliland wax ka qabato.

  1. Wasiir Axmed-yaasiin waxa uu ku baaqay in ummadda reer Somaliland ay tirtirto qabyaalada oo ah caqabadaha bulshada u horseeda kala qoqobnaanta. Sidoo kale wasiirka warfaafintu wuxuu sheegay in Somaliland leedahay khayraad dihin oo la joogo xilligii laga faa’iidaysan lahaa. Waxaanu shacbiga ugu baaqay inay la shaqeeyaan madaxweynaha Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cirro oo uu ku sifeeyay hoggaamiye wanaagsan oo horumar la doonaya dalkiisa iyo dadkiisaba.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, oo xafladaas ka hadlay ayaa si weyn ugu mahadceliyay dadweynihii, ciidammadii iyo qaybihii kala duwanaa ee bulshada ee rabitaanka dalkooda midnimadooda ku soo bandhigay xuskii munaasibada 18ka May ee sida weyn looga dabaal-degay dalka iyo dibadaba.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa sheegay in xuskani yahay mid taariikhi ah oo ummaddu kaga tashatay aayaheeda dawladnimo, kadib markii ay ku hungowday midowgii burburay ee Somaliland iyo Soomaaliya.

Madaxweynuhu wuxuu caddeeyay in Somaliland ay tahay dal tallaabsaday oo aan dib ugu noqon doonin Soomaaliya,isagoo iftiimiyay burburkii iyo xasuuqii ay u geysatay Soomaaliya ummadda reer Somaliland.

Madaxweyne Cirro wuxuu sheegay in Somaliland ay dhisamaha dalkan dimuqraadiga ah ay ka soo bilowday sagxada, waxaanu ku dooday in waxyaabaha ay Somaliland ku badhaadhay ay ka mid tahay in aan weligeed dalal shisheeye farogelin ku yeellan qarannimadeeda.

Madaxweynuhu wuxuu bayaamiyay in weftigii 2005tii midowga Afrika u soo diray dalkan ay warbixintoodii ku xaqiijiyeen in Somaliland buuxisay shuruudihii qarannimo isla markaana waafaqsan tahay sharciyan xuduudaha caalamiga ah ee la aqoonsan yahay.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro wuxuu sheegay in aqoonsiga Somaliland uu wax ka tarayo dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya iyo guud ahaanba mandaqada Geeska Afrika.

Madaxweynuhu wuxuu hoosta ka xariiqay in Somaliland madax-bannaanideedu aanay halis ku ahayn Soomaaliya. Waxaanu iftiimiyay in laga gudbay xilligii caqabada loo dhigi jiray ictiraafka Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu ka xaal-warramay sida Somaliland ay u sugtay ammaanka dalkeeda isla markaana ay ka dhigtay goob ka nabad qabta budhcad baddeeda iyo argagixisada ka jirta gobolka Geeska Afrika.

Madaxweynuhu wuxuu faahfaahiyay sida Somaliland uga go’an tahay nabad ku wada noolaanshaha geyiga gobolka ay ku taallo iyo sidii kor loogu qaadi lahaa isdhexgalka dhaqaalaha iyo iskaashiga dalalka jaarka ah.