“Ciidankii Qaranku Wuu Burburay…….Aniga iyo Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro…”Boqor Buur Madow

0
9

“Ciidankii Qaranku Wuu Burburay…….Aniga iyo Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro
Caynaba(Baraarugtv.com)-
“Ciddii aniga iyo madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro noo kala waramaysay ee laheyd
mucaaridad ayuu u socdaa.waxaan leeyahay uma socdo ee muxaafid ayaan ahay, dawladda ayaanu la shaqaynaynaa, ciidankiina waanagaa ku wareejinay.
Somaliland maanta qarankeeda iyo in Xukuumaddaas cusub la garab istaago ayey cid walba diyaar u tahay, taas ayaanan laabta u sii daynaynaa.

Haddii la lahaa ciidankii qaranku wuu burburay, wuuna dabcay oo beelo ayaa la isku abaabulay oo Somaliland beelo ayey u baxday ishii bugtaay maantaba ku bikaacso, ciidan qaran ayaa maanta la isugu yimid. Haddii aanay ciidanka Madaniga ah iyo shacabku xukuumadda isgarab taagin oo qaabkii ciidamadeena qaranku u soo dabceen ay ahayd shacabka oo aan markii hore garab istaagin, maanta shacabka Somaliland waa u diyaar inay iska maydhaan ceebtii kaga soo dhacday dagaalkaasi oo ay ciidamadooda iyo dawladda isgarab taagaan.” Sidaa waxa yidhi Boqor Cismaan Buurmadaw oo hadal ka jeediyey madal maanta lagu qarameeyey ciidamo madani ahaa.

Wasiirka Arimaha Gudaha JSL
Wasaarada Arrimaha Gudaha JSL
“Ciiddii noo kala waramaysay aniga iyo Madaxweyne Cirro ee lahayd Odaygii mucaaridad ayuu u socdaa waxaan leeyahay uma socdo ee muxaafid ayaan ahay, dawladda ayaanu la shaqaynaynaa, ciidankiina waanagaa ku wareejinay.