Xaaladda guud ee Amniga Dalka, ta dhaqaalaha, waxbarashada iyo dhoofka Xoolaha”

0
39

Hargeysa (Baraarugtv.com)-“WAR-SAXAAFADEED.Fadhigii Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland Iyo Qodobada Lagaga Wada-Hadlay Galabta.

Hargeysa-09-01-2025-()-Fadhigii 005aad ee golaha wasiirrada ee xukuumadda WADA-JIR IYO WAX-QABAD ee uu gadh-wadeenka ka yahay madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo wehelinaayo madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, qodobada muhiimka ah ee galabta lagaga hadlay waxa ka mid ahaa:

Xaaladda guud ee Amniga Dalka, ta dhaqaalaha, waxbarashada iyo dhaq-dhaqaaqii ugu danbeeyey ee dhoofka Xoolaha iyadoo ay warbiximo waafiya ay ka bixiyeen wasiirrada wasaaradahaasi.

Waxa kale oo fadhiga golaha lagaga wada hadlay hay’addaha awooda u leh bixinta liisamada ganacsiga, taas oo uu Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ayaa arrintaa Golaha ka siiyey faah-faahin dheeraad ah.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ayaa isaguna Golaha siiyey Xogwaran la xidhiidha bilowga diwaangelinta Gaadiidka Dawladda iyo Bixinta Buugga Gaadiidka Dawladda.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ayaa iyaduna faah-faahin dheerada ka bixisay xilka iyo waajibaadka ay Wasaaraddu u hayso Qaranka iyo sidii la isu waafajin lahaa Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 3aad iyo Barnaamij Siyaasadeedka Xisbi Xaakimka Waddani.

Waxa kale oo golaha loo qaybiyey Xeer Hoosaadka Golaha Wasiirrada (Akhriska 1aad) waxaana warbixin guud mar ah Golaha ka siiyey Garyaqaanka Guud ee Qaranka.Ugu danbayntii Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada ayaa Golaha Wasiirrada ka codsaday inay soo gudbiyaan habsami u socodka qorshaha waxqabadka 100-ka Maalmood ee ugu horeeya Xukuumadda WADA-JIR IYO WAXQABAD.

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.