Hargeysa (Baraarugtv.com)_Koox boob iyo bililaqo Ka bilaabeh gudaha dalka Somaliland.
Masuuliyiintii maamulka Muuse Biixi,ayaa la Sheegay in markii lagaga guulaystay doorashadii jagada Madaxweynihii Muuse Biixi ay bilaabeen gadiidkii Dawlada iyo hantidii danta guud ee cashurta dadweynaha inay dhacaan,kuwaasoo taarkadii dawladda Ka furay gaadiidka,halka qaarna ay Ka iibiyeen dad ay Ka siiyeen lacag jaban.
Agaasimihii madaxtooyada maamulka Muuse Biixi Maxamed Cali Bile, ayaa la Sheegay in uu Ka mid yahey masuuliyiinta xaraashay gaadiid tiro badan 5_tii maalmood ee la soo dhaafay.Isla markaana waxa la Sheegay in
Gaadiidka la xaraashayo ay dhamaan yihiin gadiidkii GT-ga aha iyo kuwuu kaydka ku jirey iyo kuwa kale ee hawl
Gali jirey shaqooyinka dawladda xilka wareejinaysa ee Madaxweyne Muuse Biixi Sidoo kale,waxa la Sheegay in Laga badelay bileedhkii taarkida dawladda.kuwaas Oo Lagu xidhay taariko shacab wh gaadiidka si hoose Oo habeenimo ah loo kala iibsadey.
Hase yeeshee,waxa la Sheegay in qaar Ka mid ah Lagu xaraystey gaadiidkii dawladda guro gaydh leh Oo ku yaal gudaha magaalooyinka waa weyn ee Somaliland,taasoo la tilmaamey in halka ugu badan ee Lagu leexsadey hantidii dawladda ay tahey Hargeysa.