Xukuumadda Muuse Biixi Oo Lacag Ka Dhacday Beesha Arab ee Magaalada Baligubadle

0
33

Gudidii Qaban-qaabada Xuska 18-May ee Gobolka Hawd Oo Lacagtii ay ku shaqeeyeen laga Musuqay.

Baligubadle,(Baraarugtv.com)-Gudidii qaban-qaabada iyo U Diyaar-garowga Munaasibaddii Xuska 18-May ee 2024 ee Gobolka Hawd ayaan ilaa hada la siin lacagtii ay ku shaqaynayeen taasi oo ay ka soo wareegtay mudo 6 bilood ahi.

waxayna gudidu mudadaasi Lixda bilood ah ay daba-socdeen lacagtii ay ku shaqeeyeen oo loo balan-qaaday in ay dowlada Hoose Ee Degmada Baligubadle bixiso marka ay dhamaato Munaasibadda Xuska 18-May,halka gudiyadii la mid ka ahaa ee gobolada kale ee dalku qaateen lacagtii ay ku shaqeeyeen.

Waxaana kharashka ku baxa xuska 18-May sida caadada ah bixiya Dowladaha Hoose ee dalka.

gudidan ayaa Badhasaabka Gobalka Hawd Ceeleeye Xuseen Aadan Magacaabay markii ay Taariikhdu ahayd 05/05/2024 ,waxayna ka koobnaayeen 11 Xubnood oo iskugu jiray,Xildhibaano, isu-duwahayaal,qaar ka mid ah Ururada Bulshada gobolka hawd iyo xubno kale oo uu Gudoomiye u ahaa Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Hawd Khadar Muuse Axmed,halka Uu Gudoomiye Ku-xigeena u ahaa Maayir Ku-xigeenka degmada Bali-gubadle Cabdirisaaq Xasan Aadan.

 

Gudidan ayaa lagu xasuustaa inay si hagar la’aan ah u shaqeeyeen wakhtigii lagu jiray Qaban-qaabada iyo u diyaar garowgii Munaasibadda Xuska 18-May ,iyagoo ka shaqeeyey Afarta degmo ee uu ka kooban yahay gobolka hawd iyo sidoo kale deegaanada kala duwan ee hoostaga Gobolka Hawd iyagoo ay bulshadda gobolka hawd markhaati-cad ka ahayd inay si joogto ah u shaqaynayeen habeen iyo maalinba.

Maayirka Degmada Bali-gubadle Maxamed Cabdi Muxumed shiine iyo Xoghayaha Fulinta dowlada Hoose Ee Degmada Baligubadle saalax Muxumed idiris ayaa si cad oo badheedh ah u diiday lacagtii ay ku shaqeeyeen gudida qaban-qaabada Munaasibaddii Xuska Maalinta Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland ee 18-May ee Gobolka Hawd.

gudidan ayaa tiraba dhawr jeer u dacwooday Badhasaabka gobolka hawd ceeleye xuseen aadan taasi oo aanu waxba ka qaban cabashada soo-noq-noqotey ee gudidaasi isla markaasina uu si cad iskaga indho-tirey ,dhagahana ka fureystay.

gudidan oo shaqadii loo igmaday ugu soo baxay si qurux badan oo muwaadinimo ka muuqato isla markaasina mudnaa bogaadin iyo in lagu Abaalmariyo shaqadii ay qabteen ee loo igmaday, ayaa Waxaa gudidan loogu Abaal-guday in lacagtoodii in la dafiro isla markaasina arintooda ay isku tuur-tuuraan Maamulka heer gobol iyo heer degmo ee gobolka hawd.

Gudidan oo xubno ka mid ah aanu la kulanay ayaa fariin u direy Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland iyagoo ugu baaqay inay wax ka qabato lacagtaasi ay dowlada Hoose Ee Bali-gubadle ka Musuqday.

Dhinaca kale Xafiiska dowlada Hoose Ee Degmada Baligubadle ayaan wax shaqo ah oo muuqataa aanay ka socon bilihii u dambeeyey taasi oo bulshada degmada Bali-gubadle iyo guud ahaan gobolka hawd-ba ku Abuurtey niyad-jab maadaama oo bulshada kala duwan ee gobolka hawd oo aad ugu hanweynaa markii ay dooranayeen xubnaha Golaha deegaanka degmada Bali-gubadle 2021-kii ayaa hada u muuqata mid lagu hongoobay oo ku fashilmay shaqadii loo doortey, taasi oo ay sabab u tahay khilaaf balaadhan oo mudo soo jiitamayay oo ah khilaaf u dhexeeya gudida Fulinta dowlada Hoose Ee Degmada Baligubadle iyo sidoo kale golaha deegaanka degmada Bali-gubadle,taasi oo guud ahaanba ragaadisey shaqadii Dowlada Hoose ee degmada Bali-gubadle,isla markaasina keentay in shaqaalihii ka howlgalayay Xarunta dowlada Hoose Ee Degmada Bali-gubadle ay u kala qaybsamaan laba qaybood oo kala raacsan maayirka iyo Xoghayaha Fulinta dowlada Hoose Ee Degmada Bali-gubadle.