Madaxweyne Muuse Biixi oo tacsi ugu degay Axmed Siilaanyo

0
29

Hargeysa(baraarugtv.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Booqasho tacsi ah ugu tegay madaxweynihii hore ee dalka oo walaalkii geeriyooday Xalay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa booqasho tacsi ugu tegay madaxweynihii hore ee Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) oo walaalkii Marxuum Cali Maxamed Maxamuud habeenkii xalay ahaa ku geeriyooday dalka Ingiriiska.Madaxweynaha, ayaa dhambaal tacsi ah gaadhsiiyey madaxweynaha xilka uga horreeyey ee uu walaalkii geeriyooday, Madaxweyne hore Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, oo ku sugan hoyga uu ka degan yahay Caasimada Hargeysa.