Hal Eray Oo Sad Ku Faanto,Markaad Heli Wayday, Ywabka,Humaag Beenaad Abuurtay, Horor…”

0
64
Hal Eray Oo Sad Ku Faanto,Markaad Heli Wayday, Ywabka,Humaag Beenaad Abuurtay, Horor..."

“Hal Eray Oo Sad Ku Faanto,Markaad Heli Wayday, Ywabka,Humaag Beenaad Abuurtay, Horor…Hal Eray Oo Sad Ku Faanto,Markaad Heli Wayday, Ywabka,Humaag Beenaad Abuurtay, Horor..."Hargeysa,(Baraarugtv.com)-“Heesta Fannaanada Ugbaad Aragsan qaaday ee soo baxday 27-kii bishii 9-aad ee sannadkan 2024-ka (habeenimadii Jimcaha), aniga ayaa midhaheeda leh oo inanta u dhiibay. Inanta faannaanada ah ee Ugbaad Aragsan culayska ha laga daayo. Ciddii dacwad heesta ka qabtaa, ha ii timaado. Ma ihi nin inta uu gabadh hees u dhiibo ka dhuuntee.

Heesta midhaheeda oo dhan hoosta ka eeg;

Toddoba sanno ood horjoogtay
Waxqabad lagu soo hirtiyo
Hal eray oo aad ku faanto
Markaad heli wayday yaabka
Humaag beenaad abuurtay
Mar baad horor guud ka fuushay
Dhiiqad ka dhex heestay maalmo
Gucliyo orod wuu hadh beelay
Haldoorkii maad dhegaysan
Markii dadku kugu hungoobay
Ayaad hayba gaar u soocday
Hurinba gees baad u saartay
Walaalo dhaba is hiifay
Waxaad cuntay heeryadaada.

Umaddu hadda kuuma jeedo
Isbeddel loo wada hayaame
Ka guure halkaad ogayde
Waxaan hadal kuugu koobay
Hoggaankuun noo wareeji
Huleel codba kuuma hayne.

Hankiyo rejadii dadkaagu
Kun jeer bay halis galeene
Haddaan hadafkaagu maal
Hantiyo dhawr baloodh ahayn
Bulshaddii hiil kaa sugaysay
Habeen badh ma weerateeno
Hooyada baas kuma furteen
Intaad beero haybinaysay
Ku haysatay maati buuro
Dalkii baad gabi hilmaantay
Badh baad gobolladii halaysay
Hanaankiyo haybadeenii
Qabkii shacabka hagoogtay
Wakaa qaran Oog ku heermay.

Umaddu hadda kuuma jeedo
Isbeddel loo wada hayaame
Ka guure halkaad ogayde
Waxaan hadal kuugu koobay
Hoggaankuun noo wareeji
Huleel codba kuuma hayne.

W/Q- Abwaan Cabdiraxmaan Abees.