Home Somalia Maxaa ku cusub Bandhiga Buugaagta Sanadka 2024-ka ee lagu qabtay magaalada Hargeysa

Maxaa ku cusub Bandhiga Buugaagta Sanadka 2024-ka ee lagu qabtay magaalada Hargeysa

0
148

Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa oo 17-jirsaday iyo Jewigii uu ku furmay

Hargeysa (Baraarugtv.com)- Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa oo sannadkan ah kii 17aad, ayaa maanta si rasmi ah uga furmay Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, waxaa ka soo qaybgalay wufuud dunida ka kala timi iyo masuuliyiin kala duwan.

Bandhigga Buugaagta Hargeysa oo sannad kasta loo asteeyo hal-ku-dheg u gaar ah iyo mid ka mid ah dalalka Caalamka oo si gaar ah loogu marti-qaado, ayaa socon doona muddo lix maalmood ah laga bilaabo 20-ka ilaa 25-ka bishan July, iyadoo muddada uu socdo lagu soo bandhigi doono barnamijyo kala duwan.

Bandhigga 17aad ee Carwada Buugaagta Hargeysa oo ka furmay Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, waxa Sannadkan 2024 hal-ku-dheg looga dhigay “IS-AHAANSHO ama TOGETHERNESS”, halka martida gaarka ah ee sannadkan lagu soo sharfay noqday waddanka Woqooyiga Afrika ku yaalla ee TUNISIA oo bandhigga kaga soo qayb-galay wefti ballaadhan oo ku gaashaaman agabka hiddaha iyo dhaqanka iyo taariikhda dalkoodu leeyahay oo lagu soo bandhigi doono carwada.

Munaasibaadda Oo lagu furay Heesaha Calanka Somaliland iyo Tunisia iyo kuwa Hiddaha & Dhaqanka labada waddan, waxa ka qayb-galay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Arrimaha gudaha, Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Maayir ku-xigeenka Hargeysa Diblomaasiyiin, Siyaasiyiin, Aqoonyahan, Qorayaal, Abwaanno, Hal-abuurro iyo Martisharaf kale oo badan.

Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa Dr. Jaamac Muuse Jaamac, ayaa ugu horreyn sharraxaad ka bixiyey nuxurka uu sido Hal-ku-dhegga sannadkan ee Is-ahaansho iyo tirade wufuudda ka qaybgashay Bandhigga 17aad ee Buugaagta Hargeysa, kuwaasi oo ka kala socda ku dhawaad 14 waddan.

“Mawduuca sannadkan aannu qaadanny waa Togetherness oo Soomaali markaannu ka dhignay noqonaya Erayga Is-ahaansho, waayo Is-ahaanshuhu wuu ka qaalisan yahay wadajir iyo waxyaabaha kale,” sidaa ayuu yidhi Jaamac Muuse, waxaanu intaas ku sii daray; “Waayo dunta isku xidhaysa Dadka Bina-aadamka ah ee meel wada jooga waa inay istirsadaan, is dareemaan, isu naxaan, is jeclaadaan oo isu hambalyeeyaan marka wanaag la sameeyo”.

Maayir Ku-xigeenka caasimadda Hargeysa oo magaaladiisa marti loo yahay, ayaa soo dhaweeyey Waftiyada waddamada dibedda ka yimi iyo dalka sida gaarka ah ugu martida ah 17aad Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa.Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Md.Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici (SAYLICI) oo si rasmi ah u daah-furay bandhigga 17aad ee bandhigga, ayaa si weyn u ammaanay doorka wax-qabad ee Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka Hargeysa iyo muhiimadda ay qaranimada u leedahay Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa.

“Waan ku bogaadinayaa hawsha wayn ee ay ka gutaan oo ka mid ah waxyaabaha rukumada u ah ee qarankani ku socdo iyo kor u qaadidda qadiyadda Somaliland in Caalamka la baro,” Sidaas ayuu yidhi Md Saylici, waxaanu intaas ku daray, “Hal-ku-dhegga sannadkan ee Wadajir iyo is-ahaanshiyo waa muhiim maadaama dalkeenna iyo duniba ay ka jiraan dhibaatooyin u baahan midnimo iyo wax-wada-qabsi”.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland, ahna Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed ayaa ka hadlay muhiimadda uu bandhigga Caalami ah ee Buugaagta Hargeysa u leeyahay Qaranimada, isagoo dhinaca kale ka hadlay nuxurka uu xambaarsan yahay hal-ku-dhegga Sannadkan loo xushay bandhigga 17aad ee Buugaagta Hargeysa.

“Waa mawduuc aad u ballaadhan oo aasaasi u ah nolosha bani’aadamka. Hal-ku-dheggani wuxuu ku abtir-sanayaa taariikhda wada-noolaanshaha, wada-jirka iyo midnimada qaranka Somaliland,” sidaas ayuu yidhi Wasiir Maxamed