- Hargeysa(baraarugtv.com)’Wasiirka wasaarada kaluumaysiga iyo Horumarinta xeebaha jsl Mudane Maxamuud Warsame Jaamac iyo wefti uu hogaaminayo oo safar hawleed shaqo ku joogay magaalada Berbera ayaa booqasho ku tegay xarunta Jaamacada Culuumta Badda⁶
waxana halkaas ku soo dhaweeyay Wasiirka Gudoomiyaha Jaamacada wuxuna warbixin dheer ka siiyay xaalada guud ee Jaamacada iyo horumarka laga sameeyay barashada culuumta badda ee dalka oo wax weyn ka tari doonta sidii loo horumarin lahaa khaayraadka baddeena, iyadoo wasaarada kaluumaysiga iyo horumarinta xeebuhu xubin ka tahay gudida sare ee Jaamacada
Wasiirka ayaa uga mahadnaqay Bahasa Jaamacada Culuumta Badda dadaalka weyn ee ka socda Jaamacada iyo doorka ay ka qaadanayaan aqoonta casriga ah ee ardaydeenu baranay si loogu dabaqo shaqooyinka badda markii dhamaaday waxa wasiirka iyo masuuliyiintu kormeereen qaybaha ay ka kooban tahay jaamacaduWaxana Wasiirka booqashadaas ku wehelinayay Agaasimaha guud ee wasaarada masuuliyiiin ka mida wasaarada iyo gudoomiyaha gobolka saaxil iyo duqa degmada berbera.
Office caarshe7@hotmail.com or baraarugnews@gmail.com