“dambarkii adaa ka jaqay,Markhaatiyo,daalin kaa yaacye, cadow…

0
128

Uk,(baraarugtv.com)-“curadkii shiikh Daahir baa daaciyow ku dhalay,
Cigaal oo dahab ah bay deeqo hooyo tahay,
duhurkii aad dhalatay baa deeble awr la qalay,
Dariskii iyo ducufadii baa la wada dalbaday,
dabaaldag wuxuu ka dhacay meel islaam dagaba,dushay kugu qaaday dambarkii adaa ka jaqay,
waxay ku daryeeshay wakhti ay da’daa yarayd, intay ku daadihisay dacalkana adaa qabsaday,
waxay ku dadaashay diintana adoo aflaxa,
daruurtaad uboodoo maadiga adaa dalacay,
waxay ku daalacatay waxkastaad duruus lahayd,
markaad la dawaaftay laabteedii dabacsanayd,
waxay ku ducaysay adigoo dalkaba xukuma,
dardaarankii laga qoraa kuu ahaa difaac,
haduu danbi yeesho rabiyow ka daa lahayd,
Markhaatiyo door ah baa daabocoo ogaa,daalin kaa yaacye cadow baan ku daari karin,
waxaa dib u booday doqon aan ku garanahayn, dumaashi iyo seediyaashaa kumay dayicin, daraadaa baa xirsow loo ridaa dabkaba,
duriyad cumar daahiraa kuu durbaano tuma,
waxanay la doodayaan daalinkii ku neceb, daafahaagay ka buuxaan dubaaqa geli,inaad tahay deeqsi dunidoo dhan way ogtahay,
waxaad naga doonaysaad kuulanahay diyaar,
inaanu ku dooranaa waa dan habaryarow,
hadaanu ku diidno danbi weeye aad u wayn,
waxaaba ku dihatay inantaan dadka u jeclayn,
darajo lagu saarye dalad aan dhacayn ahow,
Duubka kugu xidhani waligaaba kaama dago’Daawashada waxaa ku wacan dooga howdka baxay,dareen ulahaada wiil Daahir Faarax dhalay:”waxa tirisay gabaygan Abwaan ahna siyaasi somaliland ahKubra xaaji Xasan xaaji Maxamuud.
03/07/2024