Beeshiisii wasiir Maxamed Kaahin oo caawa ka dhaqaajisay &Ilahey iyo Umaddiisiibu Way-nacday

0
402

Burco,(baraarugtv.com)-Beesha uu ka dhashay wasiir Maxamed Kaahin oo caawa si rasmi ah iskaga xaadirisay kuna biirtay xisbiga WADDANI
Xisbiga WADDANI ayaa caawa xaflado dhoolatus ah ku qabsaday magaalooyinka Burco iyo Hargeysa.
Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa caawa magaalada Burco kaga qayb-galay laba xafladood oo waaweyn oo uu xisbiga WADDANI uu ku soo dhawaynayay beelaha kala reer Daahir iyo Samane Abokor, oo si rasmi ah cududooda ugu soo biiriyay xisbiga rajada shacabka ee WADDANI.

Beesha reer Daahir oo ah beesha uu ka dhashay Wasiir Maxamed Kaahin ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE kana mid ahayd beelaha laf-dhabarta u ahaa xisbiga KULMIYE, tani waxa ay muujinaysaa sida ay u kala huleeleen beelaha Habar-jeclo iyo xisbiga KULMIYE.

Waxa xusid mudan in labada xafladoodba ay ka soo qayb-galeen Salaadiinta, Cuqaasha, siyaasiinta iyo dhammaan haldoorka beelaha Reer Daahir iyo Samane Abokor.

Dhanka murrashaxa madaxweynaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa isaguna caawa kaga qayb-galay magaalada Hargeysa xaflad ballaadhan oo ay beelaha Bilaal iyo Gobdoon ku shaacinayeen taageerada weyn ee ay u hayaan xisbiga WADDANI.

Xisbiga WADDANI ayaa u muuqda in uu kasbaday Kalsoonida iyo taageerada shacabka Somaliland.