“Waa Danbiile Wasiir Maxamed Kaahin Axmed.Aqoon-ba…”

0
294

Hargeysa,(Baraarugtv.com)-Xildhibaanadda Aqalka Golaha Guurtida Somaliland,ayaa ku eeddeeyay khaayi-waddan Wasiirka Arrimaha gudaha Wasiir Maxamed Kaahin Axmed ee xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.Xildhibaan shaadh aqalka golaha guurtida somalilandXildhibaan shaadh aqalka golaha guurtida somaliland

“Cilmiga arrimaha gudaha maba yaqaan.xabad-ba kama yaqaan arrimaha gudaha.dalka waxa ka jira arrimo badan,oo colaad leh,oo amni-daro leh,oo dhibaato leh.dhibaatadaas Laascaanood,isaga ayaa gaystey,intuu joogay.Waa Danbiile Wasiir Maxamed Kaahin Axmed.waayo,isaga ayaa soo daayey Garaadada oo Salaadiin mid-ba geedo ay ku kala xidheen dawladdihii hore ayuu isu-keenay,soona daayey.Wasiirka Arrimaha Gudaha ha loo yeedho,mana yimaado Golaheena Guurtida.”Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Shaadh oo haddal ka jeediyey fadhi ay isugu yimaadeen mudanayeyaasha aqalka Golaha Guurtida Somaliland,isla markaana shir-gudoominayey Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Guurtida todobaadkan ka dooday xaaladda abniga gudaha ee Somaliland.