“Nin Ku Yidhi Sinnaan Mayno, Adna Buri Sarreyntiisa, Sidka Waad Wadaagtaane, Ma Sagaashan-baa Tiisu?

0
360
"Nin Ku Yidhi Sinnaan Mayno, Adna Buri Sarreyntiisa, Sidka Waad Wadaagtaane, Ma Sagaashan-baa Tiisu?

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Musharaxa madaxweynaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay in ay isku soo baxaan maalinta Khamiista ee 11 bishan.

Cirro ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook, si rasmi ah ugu shaaciyay in Khamiista ay dhici doonaan mudaharaada mucaaradku, waxa uu sheegay in ay dhigi doonaan mudaharaad nabadgalyo oo uu dastuurku u ogolyahay.
“Mudaaharaadka salmiga ahi waa xaq dastuuri ah, xisbiyada mucaaradkuna waxa ay ku wargelinayaan dhammaan taageerayaasha in bannan-bixii nabadgelyo uu dhacayo maalinta Khamiista 11ka Aug, 2022, dhammaan gobollada & degmooyinku waa in ay u diyaar garoobaan” ayuu yidhi Cirro.

Musharax Cabdiraxmaan Cirro ayaa qoraalkiisa ku soo gunaanadey erayi gabay uu leeyahay Maxamed Warsame Hadraawi,waxaanuu yidhi “Nin ku yidhi sinnaan mayno, adna buri sarreyntiisa sidka waad wadaagtaane, ma sagaashan baa tiisu?”.

Mucaaradka ayaa maanta mar labaad wasiirka arrimaha gudaha u gudbiyay waraaq ay ku ogaysiinayaan mudaharaadka ay qaban doonaa, wali xukuumadu kama jawaabin ogaysiiska mucaaradka.

Sidan oo kale, ayay mucaaradku warqad ogaysiis mudaharaad ah xukuumada ugu gudbiyeen 25, May, 2022, lakiin mucaaradka ayaa ka biyo diiday shuruudo uu jidaynayo xeerka nidaamka dadweynaha, oo xukuumadu hor dhigtay.

Emial:-Xafiiska Guud ee Warbaahinta Baraarugnews.net Emial:-baraarugnews@gmail.com or caarshe7@hotmail.com