Mareeyaha Dekedaha Somaliland Oo Ka Hadlay Tiradda Weftigii Abid Ugu Balaadhnaa Dalalka Maraykan,Yurub, Afrika Iyo Bariga Eeshiya Oo Socdaal Ku Yimi Dekedda Magaaladda Berbera

0
367

Berbera,(Baraarugnews.net)-Waftiyo kala duwan oo ka socda dalalka caalamka ugu waa weyn,ayaa todobaadkan aynu ku jirno ku soo qulqulaaya Dekedda magaalada Berbera ee Gobolka Saaxil. Mareeyaha Dekeddaha dalka Somalilan eng.Siciid Xassan Cabdillaahi,ayaa weftigii abid ugu weynaa ku qaabilay gudaha dekedda magaalada Berbera,isla markaana wufuudii ugu tiradda badnayd oo ka socda waddamo kala duwan, ayaa mareeyaha dekedaha somaliland warbixin iyo macluumaad dhanka dekedaha iyo xeebaha somaliland ka siiyey weftiyada muddooyinkii dambe ku soo qulqulaaya dekeda Berbera. ,”Waxa aannu ku qaabilnay Dekedda Berbera, wefti balaadhan oo ah Khubarro kala duwan oo isugu jira diblomaasiyiin, siyaasiyiin, aqoon-yahanno iyo sharci yaqaanno caalami ah, kuwaasoo ka kala socda todoba iyo toban waddan (17 dal),oo ku kala yaala qaaradahaYurub, Eeshiya, Afrika, Ustareeliya iyo Waqooyiga Ameerika.”ayuu yidhi Mareeyahaha dekedaha somaliland Eng.Siciid Xassan Cabdillaahi.  Mareeyaha dekeda Berbera Eng. Siciid Xassan wuxuu intaa sii raaciyey oo uu yidhi.”Weftigan oo uu hogaaminaayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Maxamed C/laahi Ducaale.


Weftiga xog-warran kooban baannu ka siinnay Horumarka ay ku talaabsatay Dekedda Berbera iyo waliba hiigsiga mustaq-balka dhaw.”                           Haddaba weftiga socdaalka ku yimi dekeda magaalada Berbera, ayaa ku soo beegmaaya khamiistii todobaadkan ugu danbeeyay socdaal ku yimaadeen wefti ka socday dalka Iswiidhan ,balse tafsiilka iyo sharaxaada hiigsiga horumarineed ee aqoonta cidda hadda gacanta ku haysa maamulka dekeda Berbera ee uu hormuudka u yahey mareeyaha dawladda somaliland Eng.Siciid Xasan Cabdillaahi ayaa waxay soo jiidatey indhaha dawladdaha beesha caalamka,taasoo soo dedejisay in tartan ugu jiraan beesha dawladdaha ugu waa weyn adduunka ee reer galbeedka,qaybna ka yahey dawladda maraykanka iyo waddamada bariga oo xilliga indhaha iyaguna ku haya sida balaadhan ee loo casriyeeyay dekeda berbera iyo horumarka ay ka samaysay xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Dekedda Magaalada Berbera

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here