U-jeeddada:-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Oo La Kulmay Madaxa Bangiga Adduunka Marwo Kristina

0
336
U-jeeddada:-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Oo La Kulmay Madaxa Bangiga Adduunka Marwo Kristina Muqdisho,(Baraarugnews.net)-
U-jeeddada:-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Oo La Kulmay Madaxa Bangiga Adduunka Marwo Kristina Muqdisho,(Baraarugnews.net)-

U-jeeddada:-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Oo La Kulmay Madaxa Bangiga Adduunka Marwo Kristina
Muqdisho,(Baraarugnews.net)-Madaxa Bangiga Adduunka iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ee Soomaaliya.Isla markaana madaxweynaha soomaaliya oo qaabilay Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Marwo Kristina Svensson, ayaa kala hadlay xoojinta wadashaqeynta Bangiga Adduunka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Marwo Kristina Svensson, ayaa tilmaantay in Bangiga Adduunka uu dowladda Soomaaliya ku taageerayo 100 malyan oo doolar 12-ka bilood ee soo socda, si wax looga qabto qorsheyaasha hortebinta u leh dowladda, iyadoo ku ammaantay Madaxweynaha sida ay uga go’an tahay dib u habeynta hannaanka maaliyadeed ee Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo bandhigay sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad u siineyso kor u qaadidda adeegyada bulshada iyo shaqo abuurka dhallinyarada.
Waxaa uuna Madaxweyne Xasan Sheekh Bangiga Adduunka ugu baaqay inuu kala shaqeynayo Dowladda casriyeynta hannaanka shaqada iyo adeegyada dowladda Federaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here