MAXAAD KA TAQAAN XANUUNKA GAASKA CALOOSHA (GASTRIC) ?

0
563
MAXAAD KA TAQAAN XANUUNKA GAASKA CALOOSHA (GASTRIC) ?
MAXAAD KA TAQAAN XANUUNKA GAASKA CALOOSHA (GASTRIC) ?

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-“waxan maanta isku dayi doona inaynu wax ka barano mid ka mid ah xanuunada ku dhaca dadka ,ee loo
yaqaan gaaska calosha kaas oo dhawaanahan aad u haleela dadka somaliyeed , waxaynu soo qaadaneynaa waxa uu yahay gaasku ( gastritis) , waxa keena , calamadaha lagu garto , sida loobaadhoiyo waliba sida loo daweeyo. waa maxay gastric(gastritis)?
Waa caabuq diiga, ama boog ku timaadda dahaadhka caloosha. Waxaa uu u noqon karaa mid si degdeg
ah u dhaca (acute) iyo mid daba dheeraada (chronic).
Maxaa sababab gasric(gastritis)?

MAXAAD KA TAQAAN XANUUNKA GAASKA CALOOSHA (GASTRIC) ?
MAXAAD KA TAQAAN XANUUNKA GAASKA CALOOSHA (GASTRIC) ?

Gaaska caloosha waxa keeni kara ama sababi kara wax yaabo badan oo kala duwan bal aynu ka
tilmaamno kuwa ugu badan ee keena

1. Isticmaalka alcohol ama khamriga
2. In badan oo u qofku matag joogta yeesho
3. Stress ka ama isku buuqa
4, qofka oo gaajada isku daawado ama ina badan gaajo hayso oo an waxba cunin
5. In aysiidha calooshu ayna isu dheeli tirnayn
6.In cunto xawaashka badan la isticmaalo (spicy)
7. Inaad isticmaasho daawooyinka layidhaah anti-inflammatory drugs ama xanuuni biiyaha sida asprinta
iyo paracetomala ah
. Waxaa kale oo sababbi kara loona aaneeyaa:
B. Helicobacter pylori (H. pylori) waa bekteriya (bacteria) ku nool xuubka (mucus) ku dahaadhan
caloosha. Haddii la daaweyn waayana caabuqa (infection) waxu horseedi kara boog ama nabar (ulcer)
dadka qaarna waxay uu keeni karaa cancer xagga caloosha ah .

T. Pernicious anemia:

Wa mid ka mid noocyada dhiig la,aanta , Wana dhiig la’aan timaadda marka calooshu weydo
waxyaabihii dabeeciga ahaa ee ay u baahnayd inay si sax ah u soo nuugaan ama ay u burburiyaan
vitamin B12.
Bile reflux: in bile-ka uu dib ugu noqdo caloosha, xanuun ayaana imaanaya.
Infection: ay keenan bakteriya (bacteria) ama virus ayaa iyadana loo aaneeyaa.
NB: haddii la daaweeyn waayo gastric waxa imanaaya dhiigbax daran waxana isu badali karaa cancerka
calasha

Calaamadaha lagu garto gaaska(gastritis)?

Yalaalugo(lalabo), matag (hunqaaco) , laabjeex iyo matag dhiig la socdo.
Inuu soo noq noqdo xanuun xagga caloosha ah sidii nabar oo kale. Caloosha oo dibbirta, abitayt xumo.
Miisaanka oo yaraada.

Sidee lagu garan/ aqoonsan karaa magaca cudurka iyo astaanta saxda ah?

Waxaa la sameeeyaa baadhitaan.

Upper endoscopy: waa qalab (af kamarad ka xidhantahay ) taas oo bukaanka afka laga geliyo ilaa
caloosha lagu dhaadhiciyo, waxaa hubinayaa in calooshuay leedahay wax caabuq ah ka dibna waxaa la
sameeynaa biopsy waa hab lagu soo jaro sample yar oo tissue ah (wax yar ka mid ah hilibka caloosha ee
caabuq gaadhay ) ka dibna shaybaadhka (laboratory) ayaa lagu baadhaa.
Baadhitaan dhiig (Blood test): waxa la hubinayaa in unugyada dhiigga cas (red blood cell) uu ku yaryahay
bukaanka uu yahay dhiig la’aan (anemic).
Fecal occult blood test (stool test) (baadhitaan saxaro): waxaa lagu ogaadaa in saxarada bukaanka dhiig
la socdo.

Daaweynta (treatment):

Marka la ogaado waxa sababay ama bakteriyad a (bacteria) keentay waxaynu u kala saaraynaa daawada
dhawr nooc :
-Antibiotic medications to kill H. pylori.

Waxaad qaadanaysaa antibiotic waa hadduu yahay chronic gastric amoxicillin, clarithromycin (Biaxin),
metronidazole (Flagyl) and tetracycline dawooyinkaas aya intabadan qaadankartaa.
-Medications that block acid production and promote healing.
Waxay xidhayaan acidka ay calooshu sii dayso waxayna kor u qaadaan inuu qofka bogsado waaxaa ka
mid ah daawooyinkaan.
Omeprazole (Prilosec), lansoprazole (Prevacid), rabeprazole (Aciphex), esomeprazole (Nexium),
dexlansoprazole (Dexilant) and pantoprazole (Protonix).

-Medications to reduce acid production.

Ku wani waxay yaraynayaan acidka waxaana ka mid ah:
histamine (H-2) blockers, waxay yareynayaa acidka lagu soodeeynaayo marakin dheefsiidka iyo waliba
xanuunka badan.

Sidookale kuwa acidka joojiya waxaa ka mid ah :

ranitidine (Zantac), famotidine (Pepcid), cimetidine (Tagamet) and nizatidine (Axid).

-Anti acids that neutralize stomach acid.
kuwani waxay dhexdhexaad (neutralize) ka dhigayaan acidka si deg deg ahna wayu bogsiinayaan.

Sidee loo yarayn karaa khatarta gaaska?

Wuxuu u baahanyahay qofkasta oo qaba xanuunka gaaska inu qaato talooyinkan.
1) Qaado daawada gaaska adigoo la tashanaya shaqaale caafimaad / dhakhtarkaaga.
2) Qaado cunto baal leh (ama buunsho leh, diir leh, buushi leh, gal leh, qolof leh nin ba siduu u yaqaanno
sida gallayda, garawga, hadhuudh ama masaggada oo aan laga qaadin qoloftii) ugu yaraan halmar
maalintii sida shuurada iyo hadhuudhka.
3) U qaado si sax ah talada uu ku siiyo dadka aqoonta u leh caafimaadka .
Haddii aad qaadatid talada dhakhtarka oo aad ku dhaqanto lakinse waxa is badal ah aad dareemi weydo
. Ha ka quusan Raxmada Allah ogow mar walba marka uu albaab kaa xidhmo, Allah albaab kale ayuu kuu
furaa. Xasuuso marwalba inaad isku akhrido inta aad quraanka ka taqaanid oo dhan kolba intii aad ka
gaadhid. Quraanku waabogsiiyaha ugu wayn ee aad isku daweyn kartid. isku akhri 7 faatixo salaad kasta
ka bacdi.InshaAllah waad fiicnaan, hana ilaawin adkaarta iyo ducooyinka una sabir inshaAllah. Waxaa
kale oo jira albaab kale oo haddii uu Allah kuu qadaro aad isku dawayn kartid, taasina waa waxyaabaha
dhirta aha ama dhulka ka soo baxa ee dabeeciga ah. InshaAllah maqaalka kale ee xiga kan waxaan .
Mahadsanid
Mustafe cabdilahi xuseen
B,sc. Medical micro biology
International university of africa (khartoum_sudan)
Burco _soamlialnd
Guraaye24@gmail.com
+252634476257
+252659111348

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here