“Golaha Wasiiradda Guud Ahaan La Gaadhsiiyey…Masuuliyiin Ku Yimi Go’aan…”Gurxan

0
478

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Agaasimaha guud ee Wasaarada maaliyada somaliland Maxamed Cabdi Gurxan, oo halkaas khudbad dhinacyo badan ka jeediyey ayaa tilmaamay muhiimada ay u leedahay arrimaha tababaradan inay tahay waxyaabo kor u qadaaya dhanka dawlad wanaaga iyo astaan lagu hirto inay tahay.

Nuxurka Khudbadii Agaasimaha Guud ee Wasaaradda H. Maaliyadda JSL Ee Furitaankii Tababarka Hawl-wadeenada Diwaangalinta Hantida Ma-Guurtada ah ee Dawladda.”In dawladu soo dhamaystirtay in hantida la diwaangeliyey maanta qiimo lacageed leedahay.Golaha Wasiiradda guud ahaan la gaadhsiiyey in Wasaarad wal-ba soo magacowdo sarkaalka iyo sarkaalada u qaabilsanaan doona hantida ma guurtada ah ee sida maalin laha ah uga dhex dhacaysa  laamaha xafiisyada dawladda. waanu ku faraxsanahay in 66-kii sarkaal aanu dalbanay in kala badh halkan maanta joogan.33-ka kalena barito iyagana halkan tababar loogu qaban doona qaybta kalena.waxaad tihiin masuuliyiin ku yimi Go’aan dawladeed.”ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyada Somaliland.

Agaasimuhu wuxuu intaa ku daray oo uu yidhi”Runtii waanu  ku faraxsanahay in markii ugu horaysay xafiis wal-ba oo dawladdeed ah cid  gaar ah u soo magacaabey.Dal ahaan runtii aad iyo aad ayey sharaf inoogu tahay.dawladu waxay soo saaraysaa xisaab xidho maaliyadeed oo waafaqsan nidaabyada caalamiga ah ee dawladuhu u xidhaan.”

Emial:-baraarugnews@gmail.com or caarshe7@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here