Kooxda Al-shabaab Oo Magaalada Muqdisho Ku Dilay Ajaanib &Qaramada Midoobay Oo Ka Hadlay Weerarka lagu qaaday Xarunta Xalane ee Soomaaliya

0
279

Muqdisho,(Baraarugnews.net)-Tiradda dadka ku dhintay qaraxyadii kala duwanaa eek a dhacay Xeradda Xalane ee magaalada Muqdisho iyo Baladweyne. Ugu yaraan lix qof ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen weerar ay shalay kooxda Al-Shabaab ku qaadeen xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, sida ay sheegen booliska Soomaaliya.
Afhayeenka booliiska Gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in lixda qof ay shan ka mid ah yihiin ajaanib, islamarkaana uu ku jiro askari ka tirsan ciidamada AMISOM, halka qofka lixaad uu ahaa Soomaali.
Dadka ku dhintay weerarka ayuu sheegay afhayeenku inay ku jireen tababarayaal ka caawiya dowladda Soomaaliya dhanka tababarka qaraxyada,Balse Afhayeenka Booliska Soomaaliya ma shaacin, mana sheegin dalalka ay ka soo jeedaan dadka ajahnabiga ah eek u dhintay weerarkii kooxda alshabaab ku qaaday Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.
Warbaahinta Wakaaladda Caalamiga ah ee Baraarugnews.net, oo la xidhiidhay qaar ka mid ah saraakiisha Ciidamadda nabadgelyada booliska magaalada Muqdisho, ayaa u xaqiijiyey in Labo ka mid ah shanta ajaanibta ah ee ku dhintay weerarkii Xeradda Xalane ka soo jeedeen dalka Kenya, halka mid kalena uu dhalasho ahaan ka soo jeedo wadanka Uganda.
Dhanka kale, Qaramada Midoobay, ayaa si kuluul u cambaareeysay weerarka kooxda alshabaab ku qaadey Xerradda Xalane ee magaalada Muqdisho, isla markaana dawladda faderaalka Soomaaliya ka dalbatay iyo laamaha ammaanka in gacanta lagu soo dhigo dadkii ka dambeeyey falkaasi, si loo horgeeyo cadaaladda.
Iimeelada Xafiiska Guud ee baraarugnews@gmail.com or caarshe7@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here