“Haddii Cali Mareexa-now Dhaqan-xumada Iyo Edab Darada Aad Kala Dhex-bixi Waydo Bulshada Dheged Ayaanu Kaga Soo Saareynaa Magaalada Burco. Beesha Habar’awal Ayaad U….”

0
422
“Haddii Cali Mareexa-now Dhaqan-xumada Iyo Edab Darada Aad Kala Dhex-bixi Waydo Bulshada Dheged Ayaanu Kaga Soo Saareynaa Magaalada Burco.
“Haddii Cali Mareexa-now Dhaqan-xumada Iyo Edab Darada Aad Kala Dhex-bixi Waydo Bulshada Dheged Ayaanu Kaga Soo Saareynaa Magaalada Burco.

Burco,(baraarugnews.net)-Ugaas Axmed Saleebaan Il-xidh (Ugaas Mahiigaan),oo ka soo jeeda beelaha Gobolka Togdheer, ayaa ka hadlay ficilo aad ugu xun dadka islaamka ah dhaqan ahaan iyo muslinimo innuu Wasiirka Wasaarada biyaha xukuumadda Muuse Biixi Cali Mareexaan uu ka wado Gobolka Togdheer.“Wasiirka biyaha ee xilli muddo xileedkii Muuse Biixi gabaabsi yahay lagu soo tuuray Wasaaradda biyaha ee maamulka Muuse Biixi cabdi, Ayaan halkan fariin uga dirayaa. Cali Mareexaan waxaan uga digayaa yarkaas yar ee reer Badeed innuu faraha kala baxo bulshada walaalaha ah ee ku wada dhaqan magaalada Burco. Waxaan shacabka magaalada Burco iyo beelaha walaalaha ah ugu baaqayaa in inankaa yar ee Cali mareexaan aad ka dhagadaysaan magaalada,kana saartan, sida ugu dhaqsaha badan.Waa noocii dhegeda lala dhici jiray, oo isaga iskadaaye awoowgii cid wax waydiin jirin maanta ceeb iyo caqligeena ayuu cayayaa cali mareexaan iyo dadka la nooca ah markaynu hadalkooda dhagaysanayno.”Ayuu yidhi Ugaas Mahiigaan.

“Haddii Cali Mareexa-now Dhaqan-xumada Iyo Edab Darada Aad Kala Dhex-bixi Waydo Bulshada Dheged Ayaanu Kaga Soo Saareynaa Magaalada Burco.
“Haddii Cali Mareexa-now Dhaqan-xumada Iyo Edab Darada Aad Kala Dhex-bixi Waydo Bulshada Dheged Ayaanu Kaga Soo Saareynaa Magaalada Burco.

“Haddii Cali mareexa-now dhaqan-xumada iyo edab darada aad kala dhex-bixi waydo bulshada walaalaha ah ee ilahay ku wada beeray Magaalada Burco, Dheged ayaanu kaga soo saareynaa Gobolka Togdheer iyo magaalada Burco.aniga oo garanaaya meesha aad ka timi, iyo waxaad hore ahaan jirtay in maanta aad,riigag macmal ah,markiiba jabaaya aad ka dhigto wax qabad oo dadka aad ku qalado masaakiinta ah wax kaa soconaaya maaha.Madaxweyne Muuse Biixi ayaa hore kugu guuray xilligii la dooranayey,kadib intuu xoolahaagii ka qaadey,ayuu buulka ku dhigay.kolay guriga aad ka timi, shaqadiisii ayey aheyd.maantana waxa kugu shaqaysanaaya Muuse Biixi oo awr-kiraale u kiraysan beesha Habar-awal ayaad tahay.laakiin noocagaas iyo wax la mid ah isku dirikari mayaan Beelaha Habarjeclo iyo Habaryoonis, laakiin adiga ayaa dheged kaga saaraynaa magaalada Burco.”Sidaa ayuu yidhi Ugaas Axmed Saleebaan Il-xidh (Ugaas Mahiigan).

Emial:-Xafiiska Guud ee Warbaahinta Baraarugnews.net Emial:-baraarugnews@gmail.com or caarshe7@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here