Gabadh Wariye Ah Oo Su’aal Waydiisay Madaxweynaha Dalka Turkiga Oo Ku Mutaysatey Xadhig Jeel Ah &Maxay Tahay Erayga Uu Ka Cadhooday Recep Tayyip Erdogan?

0
491
Gabadh Wariye Ah Oo Su’aal Waydiisay Madaxweynaha Dalka Turkiga Oo Ku Mutaysatey Xadhig Jeel Ah &Maxay Tahay Erayga Uu Ka Cadhooday Recep Tayyip Erdogan?
Gabadh Wariye Ah Oo Su’aal Waydiisay Madaxweynaha Dalka Turkiga Oo Ku Mutaysatey Xadhig Jeel Ah &Maxay Tahay Erayga Uu Ka Cadhooday Recep Tayyip Erdogan?

Turkiga,(Baraarugnews.net)-Sedef Kabas, ayaa lagu eddeeyay in kalmad ay ugu maahmaahday Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayip Erdogan ku mutaysatey xadhig jeel ah.Isla markaana Maxkamad ku taalla dalka Turkiga ayaa xabsiga dhigtay weriyaha caanka ah ee Sedef Kabas oo lagu eedeeyay inay aflagaadeeysay madaxweynaha dalkaasi.
Ms Kabas ayaa Sabtidii lagu xiray magaalada Istanbul, waxaana maxkamad ay amartay in xabsiga la dhigo ka hor inta aan maxkamad la soo taagin, balse Waxa lagu eedeeyay inay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ku beegsatay maahmaah ay ka soo xigatay talefishinada tooska ah ee xidhiidhka la leh mucaaradka dalka Turkiga. Sedef Kabas, ayaa eedeeynta lagu soo oogay diidday.Isla markaana waxa la sheegay in Ciqaabta eedeyntan waxay noqon kartaa xabsi u dhaxeeya hal sano ilaa afar sano. “Waxa jirta maahmaah aad caan u ah oo tiraahda qofka la boqro innuu cilmigiisa siyaado. Laakiin waxaan aragnaa inaysan run ahayn,” ayay ka tidhi kanaalka Tele1 . “Dibi boqor kuma noqdo in soo galo qasriga oo keliya, laakiin qasrigu wuxuu noqdaa xero xoolaha lagu xareeyo.”Sidaa waxa soo dhigtay qoraalkan Twitter-ka afhayeenka guud ee madaxweyne Erdogan Fahrettin Altuna.
Fahrettin Altuna waxay intaa sii raacisay hadalkeeda oo ay tidhi.”Qofkaan Wariye lagu magacaabay ayaa si badheedh ah madaxweynaheenna ugu caaysay telefishin aan ujeeddo kale lahayn oo aan ka ahayn faafinta nacaybka.” ayuu ku soo qoray bartiisa Twitter-ka.
Inkastoo Ms Kabas waxay ku beenisay inay damacsan tahay inay aflagaadeyso madaxweynaha.
Tafatiraha kanaalka Tele1 Merdan Yanardag ayaa dhaleeceeyay xariga Ms Kabas.
“Xadhiga Kabas ee la xidhay 2-dii habeenimo maahmaah darteed waa wax aan la aqbali karin. Mawqifkani waa isku day lagu cabsi gelinayo suxufiyiinta, warbaahinta iyo bulshada”.ayuu yidhi tafiftiraha Kanalka Tele1 Merdan Hanardag.