Beesha Muuse Biixi Ee Sacad Muuse (Habar’awal),Oo Si-xun laf-jab ah u Cayday Axmed Siilaanyo & kuna tilmaantey Tuug Dhacay hantidii

0
20

Hargeysa,(baraarugtv.com)-Nin uu adeer u yahey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi,laguna magacaabo Mohammed Abdi Hassan Diridhaba Madaxweynaha haatan Muuse Biixi Cabdi wuxuu tallada qabtay, iyadoo ciidanka qarranka, booliiska iyo shaqaalaha dawladda mushaharkoodii seddex bilood dayn ahaan lagu bixiyay.

Wuxuu tallada qabtay, iyadoo qasnadda dhexe ee dalka ay ka maqanyahiin 82 Malyuun oo dollar, lacagtaasi oo xukuumaddii hore ee Somaliland ku sheegtay in dayn ahaan loogu leeyahay qarranka.

Waxaan wakhtiga ka mid ahaa dhawr qof oo madaxweynaha haatan Muuse Biixi Cabdi, u diray waraaq gaar ah, kana codsaday inuu diido inuu aqbalo daynta 82 Malyuun ee dollarka maraykanka ah, oo meel alla iyo meel hagaagsan oo loo raaca aanay jirin.

Markii uu xukunka yimid, dhawrkii bilood ee ugu horeeyay, waxaa dalka ku dhuftay sicir barar, saameeyay noloshii iyo suuqyadii dalka, waxaa isweydiin mudan maxaa sabab u ahaa Sicir bararkaasi? waxaa sabab u ahaa lacagtii adkayd ee kaydka u ahayd qarranka, iyo lacagahii adka ee dalka yaallay, ayaa dhammaantood sifo qaldan loogala baxay.

Xukuumaddii madaxweyne Siilaanyo waxay soo daabacday lacag shilinka Somaliland ah oo aanu dhaqaalaha dalku qaadi karin, waxaana nimankii tallada lahaa ka mid ahaa oo kaw ka ahaa Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo wakhtiga la soo daabacaayay lacagta ahaa wasiirkii ugu awood badna ee madaxtooyada, isla markaana ka mid ahaa wefdi wasiiro ah oo dalka Indonesia u tagay daabacadda lacagtaasi.

Bil xaqiiqatan, isma lahayn, kumana fekerin, in madaxweyne Biixi iyo xukuumadiisu ay ka samatabixi karto godkii madooba ee lagaga tagay, dal aan ku dhawaad laba boqol oo kun oo shaqaale iyo ciidan iskugu jira aanay mushahar qaadan seddex bilood, maceeshadii iyo noloshii oo cirka taabatay, bangiga dhexe oo aan lacag adag dhex oolin, iyo kaash yarayn xad dhaaf ah.

Muddo lix bilood ah, ayey ugu suurtagashay inuu nidaamkii maaliyadda qarranka ee sii quusaayay, uu lugaha ku istaajiyo, wuxuu bixiyay dhammaan mushaharaadkii dawladda yaan la kordhin eh, wuxuuna sameeyay qorshe aad ugu hiiliyay dhaqaalaha Somaliland iyo shilingka Somaliland, taasi oo ahayd inaan lacagta Zaad ka lagu isticmaali karin wax boqol dollar ka badan, taasi oo u hiilisay shaqaynta shilingka Somaliland, maalmo ka dibna waxaa hoos u dhacay sicir bararkii kor u socday, lacagta shilingka Somaliland oo halkii dollar ku dhawaa 10 kun oo shiling ayaa dib ugu soo laabtay 8,600 shiling Somaliland ah.

Sideedaba siyaasaddu waa doorasho, madaxweyne Biixi wuxuu doortay hanaan siyaasadeed oo aan Somaliland hore looga aqoonin, balse afka dhaqaalaha loo yaqaano (Austerity measures) oo ah tashiil dhaqaale.

Wuxuu joojiyay lacagahii malaayinka dollar ahaa ee shaxaadka ay xukuumaddahii ka horeeyay jeebahada ugu shubi jireen dadka aan dawladda u shaqayn, taasi oo marka sannadkii la celceliyo noqon jirtay lacag ka badan 60 malyuun oo dollarka maraykanka ah, waa sababta loogu bixiyay magaca (Quful).

Wuxuu sidoo kale meesha ka saaray boqolaal mashruuc oo dadyaw aan qaarkood dalkaba joogin lagu naas-nuujin jiray, kuwaasi oo lacagaha ku baxa ay dawladdu bixin jirtay, wuxuu shariikadaha dhammaantood ku wareejiyay dawladda.

Sida qof ka shaqeeya wasaaradda maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland, uu ii sheegay, xukuumadda ayaa waxaa suurtagashay sannadkii labaad ee ay xilka haysay inay hesho kayd lacageed oo ku dhaw 200 malyuun oo dollarka maraykanka ah.

Sannadkii labaad ee xukunka madaxweyne Biixi ayaa waxaa ku dhuftay adduunyada xanuunka COVID-19, kaasi oo saamayn laxaadleh ku yeeshay dhaqaalahii Somaliland, waxaa is dhimay 70% ku dhawaad ganacsigii ka gooshi jiray dekedda Berbera, waxaa is dhimay kharashaadkii cashuuraha bariga.

Saamaynta laxaadleh, iyadoo ay jirto, ayaa waxaa haddana dhacay bishii February ee sannadkii 2022 kii dagaalkii Ukraine, kaasi oo saamayn weyn ku yeeshay isku socodkii badaha iyo ganacsigii Somaliland.

Tusaale ahaan dalka Ethiopia oo dhinaca galbeed inagala daris ah, intii u dhexaysay 2019 ilaa 2023, lacagta Birr ta Ethiopia waxay khasaartay 80%, dhinaca waqooyi dalka inagala jaarka ah ee Jibouti oo badiba dhaqaalahiisu ku tiirsanyahay dekedda iyo kirooyinka ay ka qaadan saldhigyada militery, dawladdu waxay dhintay shaqaalaha dawladda 20% markii ay bixin kari wayday mushaharkooda.

Laakiin Somaliland, oo ah dal aan la aqoonsanayn, dhaqaalahiisuna aanu jirin marka loo eego xeerka maaliyadda adduunka, lacagta shilingka Somaliland 2% isma dhimin, dawladduna shaqaale ma dhimin, waxay qaadatay mooyaane.

Iyadoo xaalku halka marayo, ayaa waxaa dhacay dagaalkii Laascanood, oo xukuumaddu maalin kasta oo dagaal dhaco ku bixinaysay lacag dhan 2 malyuun oo dollarka maraykanka ah.

Waxaan huba oo aan aaminsanahay in Cirro haddii uu todobada sanno madaxweyne Somaliland u ahaan lahaa, waxaas oo culays ahina ku dhici lahaayeen, inaynu dal ahaan burburi lahayn

Somaliland ma iyada wakhtigan u baahan Muuse Biixi, Mise Muuse Biixi Ayaa U Baahan.

Waa hubaal ah, haddaad su’aasha weydiiso qofka caamada ah, ee suuqa iska jooga, ee laga yaaba inuu ku noola shaxaadka dawladda, kuna odhanaya wakhtigii Siilaanyo nimca la durduranaayay, inuu si fudud u yidhaahdo “Muuse Biixi ha ina dhaafo” balse waxaanu ogayn seddexdii sannadood ee Somaliland ugu danbaysay sumcadda caalamiga ah ee ay heshay, 30 kii sannadood ee ka horeeyay inaanay weligeed xita helin.

Wixii ka danbeeyay 1 January 2024, marka laga yimaado arrinta Qasa, qodobka labaad ee adduunyadu hadal haysay wuxuu ahaa heshiiskii Somaliland iyo ethiopia ku dhex maray Addis Ababa, haa sidaan kor ku sheegay siyaasaddu waa kala doorasho, Somaliland waxaa hor yimid fursaddii 1991 kii bishii May 1-keedii loo sameeyay, oo ahayd inay noqoto dal bulshada caalamka ka mid noqda.

Waan jecla weedhaha qoraalkaygani inay taabtan, qodobo badan oo aan xogtooda si hoose u ogahay, balse aan la sugayo wakhtigooda, waxaanse ogahay oo aan kaga tagaya inta qoraalkayga akhrisanaysa, dagaalkii Laascanood ka dhacay, iskama dhicin, heshiiskii Somaliland iyo Ethiopia dhex marayna iskama dhicin waxaase suurtagal ahba inay xidhiidh lahaayeen labadoodu, adigay ku taalla labada sadar dhexdooda inaad fahamka kala baxdo.

 

Waxaa iga lilaahi ah anigoo aanay iga ahayn Muuse Biixi waa ku xigto iyo waa sokeeyaha, waxaan aaminsanahay in maanta oo aynu joogno, ay Somaliland baahi weyn u qabto Muuse Biixi, ee aanu Muuse Biixi baahi u qabin Somaliland.

Wa Bilaahi Tawfiiq.

Aqoonyahan Mohammed Abdi Hassan Diridhaba