Maxay Dadka Qaar Uga Karti Badan Yihiin Dadka Kale?

0
37

Xeeladdaha Shaqo Wacnida!

Hargeysa,(Baraatugtv.com)-“Maxay dadka qaar uga karti badan yihiin dadka kale? Ma hibooyin gaar ahbay leeyihiin dadka shaqooyinkooda sida hufan u qabtaa mise xeelado ayey adeegsadaan? Maanta oo dhanbaan shaqo dul fadhiyey siddeed saacadood haddana waxsoosaarkaygu wuu hooseeyaa? Halkan inaan taagnaado maxaa iigu wacan? Waydiimahaas iyo kuwo kale ayeynu cod hoose nafteena kula hadalnaa marar badan.
Halkan waxaynu ku wadaagi doonna xeeladdo kooban oo innaga dhigaya dad natiijo ka gaadha shaqadooda iyo hawl-nololeedkoodaba. Maskaxda ku inaad ka fikirto habka ugu waafaqsan ee aad noloshaada udub dhexaad uga dhigi karto si aad u gaadho guul aad mahadiso Ilaahay idamkii.
1. Xeeladda 1aad: Xeeladda Pomodoro
Si aad shaqo u dhameystirto, u kala jejebi qurub-qurub ama wakhti.
· Hawl dooro: Tusaale, 50 Email inaan diro
· Wakhti u qorshee: 25 Daqiiqo ku xidho saacadda
· Hawshaas uun ka shaqee, midkale haku darin
· 5 Daqiiqo oo nasasho ah qaado (Yara kac/Biyo soo shubo iwm)
· Haddii ay wax kuu dhiman yihiin intaa in lamida samee amma bilow shaqada ku xigta adigoo sidaas u qorshaysanaya.
Natiijo fiican ayaad ka arki shaqooyinka iyo arrimaha naftaada kuu gaarka ah ee aad qabanayso.
2. Xeeladda 2aad: Habka 3/3/3
· Ku bixi 3 saac inaad ka shaqeyso mashaariicda kuugu muhiimsan ee mudnaanta kuu leh.
· Ku bixi 3 saac inaad ku dhameystirto shaqooyinka degdegga ah iyo kulamada aad leedahay. sida 100 email inaan diro, 50 wicitaan macaamiil inaan sameeyo IWM.
· Ku bixi 3 saac hawlaha noloshaada muhiimka u ah ee kor u qaadaya horumarkaaga shaqo iyo nololeedba.
3. Xeeladda 3aad: Wakhti jajebin.
· Mudnaan usii saacadahaagu siday kuugu kala muhiimsan yihiin
· Garo maxaad u baahantahay
· Midee hawlaha isku midka ah ama isku dhadhaw.
· Wakhtiga ukala xidh-xidh
· Nasasho qaado
· Beddel arrimaha u baahan dibu hagaajinta.
4. Xeeladda 4aad: Cun libaaxa
Shaqada kuugu adag ugu hor qabo, Inta yar

Waxa qoray Maxamed Rabii