Taliyaha ilaalada Madaxda Muhiimka ah VIP Oo Qaraxyo Lagu Har-qiyey Magaalada Muqdisho

0
244

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Gaashaanle Sare Maxamed Daahir Abdulle Taliyaha Guutada ilaalada Madaxda Qaranka iyo Hay’adaha Muhiimka ah ee VIP ee Ciidanka Boliiska Soomaliyeed ayaa gordhaweyd ka badbaaday Qarax Miino oo lagula eegtay wadada Kuliyada Jaalle Siyaasad ee Degmada Hodan.
Waxaana ku nafwaayay askari ka mid ahaa ilaalada Taliyaha iyo qof shacab ah goobta marayay, sidoo kale waxaa dhaawac soo gaaray labo askari oo kale iyaguna ilaalo u ahaa Taliyaha.
Waa markii 3-aad oo sidaan oo kale ay khawaarijtu iskugu daydo in ay disho Taliye Maxamed Daahir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here