“Aniga Nin Nabad iyo Nolol Ah Allaahuma Salli Calaa Farmaajo.”Prof. Cabdiraxmaan

0
303
“Aniga Nin Nabad iyo Nolol Ah Allaahuma Salli Calaa Farmaajo
“Aniga Nin Nabad iyo Nolol Ah Allaahuma Salli Calaa Farmaajo

Muqdisho,(Baraarugnews.net)- Barasafoor Cabdiraxmaan Xaaji Aadan Ibbi, ayaa ka shaleeyay tageeradii uu taageeri jiray Madaxweynaha xilku ka dhamaadey ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, isla markaana wuxuu ka hadlay rajada laga filan karo in marlabaad Madaxweyne loo doorto Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.
“Qofkaan tageerayey saan ugu maalay iiguma hambeynin. anigu, indho la’aan ayaan u difaacay u wanaajiyey u sameeyey. aniga waxaan ahaan nin Nabad iyo Nolol ah waxaan ahaa nin runtii ay ka soo dhow dahay, xitaa inaan idhaahdo war Farmaajo, haa waagii hore Aabe iyo wax-baa dhihi jirnee, laakiin hadda Allaahuma Salli Calaa Farmaajo inay naga soo dhowaato.”Ayuu yidhi Prof. Cabdiraxmaan Xaaji Ibbi oo ka tirsanaa xildhibaanadii hore ee Soomaaliya.
Prof. Cabdiraxmaan Ibbi wuxuu intaa ku daray hadalkiisa oo uu yidhi. “Soomaalida nin ay mar dooratay mar labaad ma doortaan. siddii hore maaha oo codadka la isugu shubaayo. dhalinyarada soo gashay baarlamaanka nin weliba wuu arkayaa beerta la fashay, sida loola dhaqmay Muudey, Dalxa, Jawaari, Shariif Xasan iyo dad kale. Haddii laydooran lahaa Xildhibaan Barlamaanka Soomaaliya. Haddii marka Ilaahey xilka iigu dari lahaa, waxaan u maleynayaa inaan Katarabiil noqon lahaa oo Umad badan dardari lahaa oo sii waalan lahaa. Ma jirto maanta cid mar kale dooranaysa Farmaajo.”
Iimeelada Xafiiska Guud ee baraarugnews@gmail.com or caarshe7@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here