Khasaaraha soo gaadhay ciidanka qaranka somaliland

0
107

Burco,(baraarugtv.com)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta waxa uu kormeer ku tegay Isbitaalka guud ee Burco iyo Isbitaalka ciidamada Somaliland, isaga oo u kuurgalay mid walba xaaladiisa caafimaadkooda Muuse Biixi ayaa waxa uu mid mid u dul istaagay una gacan qaaday askarta ciidamada Somaliland ee ku soo dhaawacmay dagaaladii kala dambeeyey ee ka dhacay magaalada Laascaanood, wuxuuna ugu duceeyay in u Illaahay caafimaad deg-deg ah siiyo dhamaantood.Madaxweynaha Somaliland ayaa ka dhawaajiyay in xukuumaddiisa ay u hurayso wax walba oo la xiriira daryeelkooda caafimaad, hal-yeyadii naftooda u huray difaaca dalka iyo dadka naxariistii janno Alle ka waraabiiyo, islamarkaana daryeelka qoysaskii geesiyaasha naftooda huray uu yahay waajib saaran Qaranka Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here