Ujeeddada:-Muxuu Ka Yidhi Mareeyaha Dekeddaha Dalka Somaliland Eng. Siciid Wefti Dalka Iswiidhan (Sweden), Ka Socday Oo Socdaal Ku Yimi Dekedda Magaaladda Berbera?

0
310

Berbera,(Baraarugnews.net}-Mareeyaha Dekaddaha dalka Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdillaahi,ayaa maanta wefti heer caalami ah ku qaabilay Dekedda magaalada Berbera ee Gobolka Saaxil,Isla markaana weftigaa socdaalka ku yimi magaalada Berbera oo uu hogaamianyey Xoghayaha Guud ee Safaaradda Dalka Iswiidhan (Swenden),ku leeyahay dalka Kiiniya, Marwo Paula Kermfors,Isla markaana Mareeyaha Dekadaha dalka Somaliland Eng.Siciid Xassan Cabdillaahi, ayaa sharaxaad iyo macluumaad ka siiyey noocyada kala duwan ee casriyeynta lagu kordhiyey Dekedda Berbera iyo talaabooyin horumarineed ee lagu sameeyay dhanka adeegyada ay bixiso dekeda magaalada Berbera iyo faa,iidooyinka weyn ee ay ugu fadhido qaarada afrika Dekeda Berbera.

Ujeeddada:-Muxuu Ka Yidhi Mareeyaha Dekeddaha Dalka Somaliland Eng. Siciid Wefti Dalka  Iswiidhan (Sweden), Ka Socday Oo Socdaal Ku Yimi Dekedda Magaaladda Berbera?
Ujeeddada:-Muxuu Ka Yidhi Mareeyaha Dekeddaha Dalka Somaliland Eng. Siciid Wefti Dalka Iswiidhan (Sweden), Ka Socday Oo Socdaal Ku Yimi Dekedda Magaaladda Berbera?

“Waxaannu ku soo dhawaynnay Dekedda Caalamiga ah ee Berbera, Xoghayaha Guud ee Safaaradda Dalka Iswiidhan ku leeyahay Dalka Kiiniya, Marwo Paula Kermfors. Warbixin kooban baannu ka siinnay isbedelka togan ee ku yimi adeegyada kala duwan ee ay bixiso Dekedda Berbera. Waxaa igu wehelinaayay Kulankaas, Maareeyaha Kaydka Haamaha Shidaalka Berbera, Mudane Axmed Ibraahin Cabdi.”Sidaa ayuu yidhi Mareeyaha Dekeddaha Dalka Somaliland oo qoraalkan ku faafiyey barta uu ku leeyahay baraha bulshadu ku wada xidhiidho ee facebuugiisa oo xafiiska wararka eek u leedahay magaalada Hargeysa Wakaalada Baraarugnews.net iyo qaybta Idaacadda Radio Baraarug ka soo xiganay. Hase yeeshee, Mareeyaha Dekedaha Dawladda Somaliland, Eng. Siciid Xasan Cabdillaahi, ayaa tan iyo intii Madaxweyne Muuse Biixi cabdi u magacaabay Xilka Dekedaha dalka Somaliland Mareeye Eng. Siciid Xasan Cabdillaahi waxa isa-soo taraayey talaabooyin lagu casriyeynayey Dekedda Berbera iyo horumar balaadhan oo mareeyuhu ku sameeyay dhanka adeegyada ay bixiso dekeda Berbera.Balse horumarka lagu sameeyay Dekedda Berbera waxay soo jiidatey indhaha dawladdaha ugu waa weyn dalalka reer galbeedka iyo caalamka, kuwaasoo weftiyo kala duwan socdaal ku imanayeen bilooyinkii ugu dambeeyay Dekedda Magaalada Berbera.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here