Ciidamada Booliska Magaalada Hargeysa Oo ku raad jooga siddii ay u soo xidhilahaayeen Ugaas Mahiigan

0
369

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Ugaaska guud ee Somaliland Ugaas Axmed Saleebawn Shide Il-xidh (Ugaas Mahiigan),ayaa dirqi kaga bad-baadey xalay Ciidamo booliska magaalada Hargeysa oo doonayey inay xidhaan Ugaas Mahiigan,isla markaana waxa la sheegay in sababta loo xidhayo ee ka dambaysa soo qabashada Ugaas Axmed Ilxidh ay la xidhiidho markii uu ka hadlay labada wariye oo la sheegay in ciidan sirdoon daabacsan wiilka uu dhaley madaxweyne Muuse Biixi ee lagu magacaabo Maxamed Muuse Biixi iyo dhalinyaro qoyska madaxweynuhu dileen labada wariye Cali Mahdi iyo wariye Cabdirisaaq Jermaniy weerar ku qaadeen iyagoo ku sugan xaafada jigjiga yar ee magaalada Hargeysa. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahey oo ka agdhaw Ugaas Axmed Ilxidh ugaas mahiigaan,ayaa u sheegay shabakada wararka ee Baraarugnews.net in Ugaas Axmed Ilxidh uu iskaga cararey meherad uu ku lahaa magaalada Hargeysa,ka dib markii uu ogaadey in la diyaariyey inay soo xidhaan ciidanka nabadgelyada ee booliska Magaalada Hargeysa.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka warka lagu haysto Ugaas Mahiigan wariyeyaasha Beesha Habarjeclo waxa dilay rag beesha madaxweyne Muuse Biixi ee Sacad Muuse.waanu aarsanaynaa haddii la soo qaban wayo raga hargeysa ku dilay. Warku wuxuu intaa ku darayaa in Ugaas Axmed Saleebaan waraysigii uu dhawaan siiyey warbaahinta Hargeysa uu qoyska Madaxweyne Muuse Biixi ka cadhoodeen,Balse ciidanka booliska ayaa ku raad jooga soo qabashada Ugaas Axmed isagoo la doonayo in la xidho Ugaas Mahiigan oo la raadinayo kana cararey gurigiisii magaalada Hargeysa. Sidoo kale,xogahaa ayaa tibaaxay in lagu haysto Ugaas Axmed maxaad uga hadashey ciidanka gaarka ah ee uu leeyahey inanka uu dhaley Madaxweyne Muuse Biixi ee lagu magacaabo Maxamed Iyo kooxdii uu madaxda u ahaa ee dhalinyarada ilmadeeradii ah ee dhaawacyada soo gaadhsiiyey labada wariye Cali mahdi iyo cabdirisaaq jarmani waxay muujinaysaa awooda ay leeyihiin haddii maanta ay xidhayaan madaxdhaqmeedkii somaliland. Halkan hoose ka daawo muuqaalka warka lagu haysto Ugaas Mahiigaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here