Xukuumadda Muuse Biixi Oo Bilawday Urursashada Cashuur wakhtigeedii la gaadhin

0
194

Xukuumadda Muuse Biixi Oo Bilawday Urursashada Cashuurta Macaashalmacaashka, Xilli Sanadkii Badhtanka Lagaga Jiro.

Xukuumadda Somaliland ayaa soo Qadintay Lacagta Cashuurta Macaashalmacaashka loo yaqaano ee laga qaadi jiray Ganacsatada marka uu sanadku dhamaado.

Lacagtan cashuurta ah ayaa ururinteeda lagu bilaabay ka dib markii laga soo noqday Fasaxii Munaasibadda Ciidul Odxa.

Lama garanayo sababta Xukuumaddu U soo qadintay Xilligan uririnta Cashuurta Macaashal macaashka, taas oo culays ku haysa ganacsatada aan weli xidhin Xisaabtoodii, wakhtigana aan kala garayn Khasaare iyo Faa’iido midka ay ku jiraan.

Dalka Waxa ka taagan dhaqaale la’aan Baahsan, Waxaana ku soo fool leh doorashooyinka Madaxtooyadda, waxaaanay u badan tahay in labadaas qodob ay degdega keeneen, haddii aanay la imanin jid kale oo ay kaga baxaan qodobadaasi oo kor ku xusan Isla markaana maangal noqon kara.