Xog Sir Ah:- Dawladda Somaliland Weerar Ma Ku Qaadaysaa Socdaalka Uu Madaxweynaha Soomaaliya Ku Imanayo Laascaanood

0
33

Xog Sir:- Qaabka Uu Weerarka Ugu Qaadayo Magaalada Laascaanood Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro

Laascaanood,(Red Sea Intelligence)-Magaalada Laascaanood,ayaa waxa ka dhex-socota abaabul ay ku jiraan bulshada ku dhaqan Degmadda Laascaanood.Isla markaana jidadka iyo waddooyinka ku dhex-yaal xaafadaha magaaladaa sawirka Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu soo daabacey istiikaro iyo boodhadh MadaxweynevXasan Sheekh Maxamuud oo lagu dhejinayo gudaha magaalada Laascaanood.

Saraakiil ka ag-dhaw guriga uu la degan yahey magaalada Laascaanood, oo ka gaabsadey in aanu sheegno magacood sababa la xidhiidha arrimo amaanka naftooda ah,ayaa u sheegay Red Sea intelligence in magaalada Laascaanood ay socoto daa-bulida ciidamo tiro-badan oo dawladda Soomaaliya ka soo gurayso magaalada Muqdisho.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in ciidamo isugu Jira milliteri,boolis iyo sirdoonka Nisa ka soo horaynayaan socdaalka Xasan Sheekh Maxamuud ee Laascaanood.

Sidoo kale,qaar ka mid ah Ilaalada Askarta Madaxweynaha loo doortey Waqooyi Bariga Sool Firdhiye,ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku imanayo saddex diyaaradood,Halka laba diyaaradood isaga iyo masuuliyiin xilal ka haysa xukuumaddiisa iyo xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya soo raacayaa.Iyagoo xusay in diyaarada saddexaadna ugu talo galey marka uu ku noqonayo Muqdisho ku qaadayo askarta maxaabiista Somaliland ee ku xidhan laascaanood.Balse ilo-wareedyo lagu kalsoon yahey oo ka ag-dhaw Madaxweynaha Somaaliya Xasan Sheekh ayaa sheegay in Xasan iyo Garaadada beesha dhulbahante ka wada-hadlayaan in la Soo raaciyo Maxaabiista madaama uu yahey Madaxweyne Soomaaliyeed oo aan faro-madhnaan la Soo dirin hadhow,arrinkaas ay ka wada-hadlayaan Garaaddada Beesha Dhulbahante iyo Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud.

Dhinaca kale,dawladda Somaliland,ilaa hadda kamey hadal socdaalka la sheegayo innuu Madaxweynaha Soomaaliya ku imanayo Laascasnood,Isla markaana ma jiro war rasmi ah oo sheegaaya in Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro weerar ku qadaayo magaalada Laascaanood,oo lagu joojinayo Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud. Isla markaana waxa la sheegay in Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro safar socdaal ah ugu baxayo Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo oo shir nabadeed ka socdo.

Xigasho Red Sea Intelligence

Warbaahinta Baraarugnews Radio Baraarug.Com