“xilka wareejinana muddo ayeynu ka dhur sugaynaa, sida maamulka dawladda Cirro noqdo. ummushaba waa la Afartan bixiyaa”

0
14

Hargeysa,(Baraarugtv.com)-“Qolada KULMIYE waxan leeyahay haddii doorashadii la inaga helay shalay iyo dorraadba waynu helnay, qaran baynu dhisaynaa, welina xilkii maynu wareejin oo innagaa hayna, markaynu xilka wareejinana muddo ayeynu ka dhur sugaynaa sida maamulka dawladdu noqdo oo ummushaba waa la Afartan bixiyaa, dawladahana waa la baxnaaniyaa Boqolka cisho ee u horreeyee in hadal dhegaha u daran ama Somaliland wax yeelayaa idinka yimaaddo waa mamnuuc,

Qolyaha mucaaridka ahaa waxan leeyahay doorashadii waad hesheen, waana aannu idin hambalyeynay, qaran inaynu dhisno ayeynu u jeednaaye idinka hadal dambe oo mucaaridnimo iyo turxaan lihi idiin ma bannaano ee dib isugu noqda.” Madaxweyne Biixi ayaa yidhi sidan.