Xildhibaanadda Golaha Degmada Berbera Oo Wadda Qorshihii Kaga Taqalusaan Maayirka Berbera

0
13

Berbera,(Baraarugtv.com)-Loolanka Maayirnimada Berbera oo Maraya Meel Xasaasiya iyo Xildhibaan Cabdirashiid Xaaji Yuusuf oo Dareersaday Aqlabiyada Mudanayaasha golaha deegaanka degmada Berbera…

Loolanka xoogan ee loogu jiro hanashada jagada Gudoomiyaha golaha deegaanka degmada Berbera oo ay ku loolamayaan Maayirka Cabdishakuur Cidin iyo Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xaaji Yuusuf, ayaa marayaa meel Xasaasiya.

Xildhibaan Cabdirashiid Xaaji Yuusuf, oo ah shaqsiga sida ba,an weerarka ugu hayaa Maayirka hada kursiga ku fadhiyaa, ayaa wararku sheegeen inuu hada gacanta ku dhigay aqlabiyada mudanayaasha golaha deegaanka degmada.

Xildhibaan Cabdirashiid, ayaa sida xoggaha aanu helaynaa sheegayaan haystaa 7 Xildhibaan iyo isagga waxanu dareersaday Xildhibaan hore ugu jiray gacanta Maayirka Cidin.

si kastaba ha ahaatee jagada Maayirka Berbera, ayaa la filayaa inuu ka dhaco tartan adag, kaasoo lagu kala jiidanayo mudanayaasha golaha deegaanka, waxana la filayaa in dhowaan la fadhiisiyo mudanayaasha, iyadoo kalfadhi aan caadi ahayn lagu dooran doono Maayirka Berbera.