Mudane Xildhibaan Gavin Williamson oo ka tirsan baarlamaanka UĶ, ayaa sheegay in la joogo xiligii caalamku u soo noqon lahaa xaqiiqda oo ay aqonsan lahaayeen Jamhuuriyadda Somaliland.
Mudane Gavin Williamson wuxuu sheegay in aan loo baahnayn in Somaliland oo ah ileyska xasiloonida iyo dimuqraadiyadda Geeska Afrika loo garbo duubo Soomaaliya oo ah waddan fashilmay oo argagixisada u waarida dunida inteeda kale.
Mudane Xildhibaan Gavin oo ka hadlayay xaflad lagu xusayay 18ka May, oo lagu qabtay London, ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Ingiriisku isagoo arkaya Somaliland uu haddana ballaayiin lacag ah siiyo dawladda Muqdisho oo aan ka talin dhul ka baxsan xarunta madaxtooyada.
Mudane Gavin Williamson wuxuu intaas ku daray in la joogo xiligii Ingiriiska, Maraykanka, Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya ay wajihi lahaayeen xaqiiqada oo ay ictiraafi lahaayeen Jamhuuriyadda Somaliland oo aqoonsiga ku mutaysatay wixii ay qabsatay 34kii sannadood ee la soo dhaafay oo ay dib u dhisatay dalkeeda oo ay hore u burburisay Soomaaliya.
Xildhibaanku wuxuu ku ammaanay Somaliland dawladnimada iyo doorashooyinka qof iyo codka ah ee madaxdeedu xukunka ula kala wareegaan.