Cabdirashiid Dahabshiil Wuxuu Naftayda u Gaystey.Wuxuu Iigu Yimi…”

0
49
Hargeysa,(Baraarugtv.com)-“Cabdirashiid Dahabshiil Suuqa dhexdiisa ayuu igu shaqaalaysiiyey. Shaqada Iyo waxbarashadu waxay ahaayeen labada aan ugu dedaalka badnaa hadana aan kala kulmi jiray caqabadaha ugu badan, madaama aan aha gabadh isku wada nolosha familyga iyo ta waxbarashadeeda, ayeeyday oo ahayd hoyadayda labaad ee aan gacanta Ku hayo waxay ahayd la taliyahayga marka ay aragto ano ka fekeraya waayaha waxay igu oran jirtay” illahay la sheekayso isaga uun baad haysataaye”. Buugayga ayaan waraaq ka goosan jiray taas oo aan Ku qoran jiray Cvga aan shaqada Ku raadsanayo, ma lahayn laptop aan wax Ku diyaarsado, dadka aan shaqada ka doonto waxay la yaabi jireen warqada yar ee aan qalinka Ku qoray, balse taasi aniga macne ayeey ii samayn jirtay oo sida ugu fudud ee aan awoodo ayeey ahayd. Hargeisa xafiis aanan cvga geyn ma jiro kuwaas oo aan qaarkood kala kulmi jiray afxumo’ cay, niyad jebin, hadana waxan kaga gudbi jiray maalin baa iman. Sanadkasta markaan arko arday qalinjebinay Iyo aniga oo ka hadhay oo waqtigu ii saamixi wayey waxan niyada Ku Dhisan jiray Sanad kalaa hadhay, C/rashiid Dahabshiil waxa uu iigu dul yimi suuqa xili duhur Ah qoraxduna Aad u kulushahay! aniga oo hooyo kamida ardayda wax u dhigaya, Hooyadi aan wax u dhigayey wax uu siiyey abaalmarin!, anigana xafiiskiisa ayuu igu qaabilay waxana uu iwaydiiyey waxa aan ubahanahay markaas ee iigu culus’ waxan doortay shaqo” ma dooran hanti, ma dooran lacag, ma dooran maalgelin lkn waxan doortay wixi aan Ku hamiyi jiray ee caqabaduhu igaso mareen, c/rashid iguma xidhin shahaado iyo Qof toona balse waxa uu igu shaqalaysiiyey shaqadi aan hayey ee uu iigu dul yimi, waxana uu iibalan qaaday waqtigi aan bulshada ugu adeegi jiray inaan xiligeedi qabto oo aan hoyooyinka wax uso dhigo. maalinti ku xigteyba waxan u shaqo tegay Dahabshiil iyo inaan kaga dhabeeyo hayaankaygi waxbarasho ee aan awoodi waayey. Gudoomiye: waad mahadsantahay aqoontayda iyo kartidayda waxan ku bixin doona shirkada dahabshiil, Iyo tii aad igu dhiirigelisay ee bulshadayda.