Hargeysa,(Baraarugtv.com)-Madaxweynaha Somaliland ayaa dhigiisa Xasan Sheekh Maxamuud ku daray liiska dhambaal uu Madaxda Caalamka u diray Bishii May 2025.
“18 kii bishii May ee Sanadkan waxa aan Dhambaalo baddan u diray Madaxda Caalamka oo uu kamid yahay Xasan Sheekh, Madaxweyneyaasha iyo Raysal Wasaareyaasha Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Itoobiya, Jabuuti, Imaaraadka iyo Madax kale mana jirto cid ilaa iyo hadda aanu Jawaab ka helnay taasina waxa aan dareemayaa in aanay cadaalad ahayn.Aduunyada waanu u baaqaynay ilaa 1991 kii,
Waxaanan rabaa in aan idhaahdo Aqoonsiga Somaliland waxa uu leeyahay Taariikh uu kaga duwan yahay kuwa kale.
Waxaanu qabnaa Rejo weyn in Qadiyadda Somaliland la tix gelin doono, waxaanan dhiiri gelin u muujinayaa Saraakiisha Sare ee Mareykanka ee riixaya Qadiyadda Somaliland”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Madaxweynaha Jsl