Wasiirka Waxbarashada oo Ka Qayb Galay Diyaar-garowga Xuska 18-ka May ee Dugsiga Sare ee 26-June
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska Somaliland, Prof. Ismaaciil Ducaale Yuusuf, ayaa saaka ka qayb galay xaflad ballaadhan oo lagu qabtay dugsiga sare ee 26-June, taas oo ku saabsanayd diyaar-garowga xuska maalinta qaranimada Somaliland ee 18-ka May, oo sanadkan ku beegan sannad-guuradii 34-aad ee kasoo wareegtay markii ay Somaliland xorriyadeeda dib ula soo noqotay.
Xafladdan ayaa si heer sare ah loo soo agaasimay, iyadoo ay ardayda dugsiga ku soo bandhigeen suugaan, ciyaaro dhaqameed iyo barnaamijyo kale oo muujinaya qiimaha ay leedahay maalinta qaranimada.
Masuuliyiinta dugsiga, oo ay ka mid yihiin Maamulaha Dugsiga, Cali Axmed Xuseen, iyo Guddoomiyaha Waxbarashadda ee Gobolka Maroodi-jeex, Maxamed Xuseen Muuse, ayaa hadallo dhiirigelin ah u jeediyay ardayda iyo ka qaybgalayaasha. Wasiir Prof. Ismaaciil Ducaale Yuusuf ayaa isaguna ka jeediyey hadal dhiirigelin iyo bogaadin isugu jira, isaga oo ku amaanay dugsiga sida qiimaha leh ee ay uga qayb qaadanayaan xuska qaranimada.