Wasiirka abniga xukuumadda cirro iyo xaqiiqal iisaanka Somaliland

0
3

Hargeysa (Baraarugtv.com)-Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka JSL Iyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga JSL ayaa yeeshay kulan muhiim ah oo lagu xoojinayo wada-shaqeynta si loo horumariyo xaaladaha xuquuqda aadanaha ee dalka.

Kulanka oo ay qayb ka ahayeen Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Guddoomiyaha Iyo Gudoomiye Ku-Xigeenka Komishanka Xuuquuqda Aadamaha Qaranka , Agaasimaha Fulinta iyo komishaneerada Komishanka, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa ilaalinta xuquuqda dadka nugul iyo sidii sare loogu qaadi lahaa wacyigelinta xuquuqda aadanaha ee ciidamada bileyska.

Guddoomiyaha Komishanka ayaa xusay dadaallada joogtada ah ee ay ugu jiraan ilaalinta xuquuqda aadanaha, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga labada dhinac si wax looga qabto caqabadaha la xidhiidha xuquuqda aadanaha. Wuxuu sidoo kale xusay baahida loo qabo waxbarashada xuquuqda aadanaha ee ciidamada Bileyska , si ay u helaan aqoon iyo xirfado dheeraad ah oo ay ugu adeegaan bulshada si waafaqsan xeerarka xuquuqda aadanaha.

Sidoo kale, kulankan waxaa diiradda lagu saaray sidii loo xaqiijin lahaa in ganacsatada yaryar ee maalmaha Ciida suuqyada magaalooyinka ku iibiya ay helaan ilaalin iyo xuquuq dhowran iyada oo laga hadlay caqabadaha ay la kulmaan.

Waxaa kale oo qodobada laga wada hadlay ka mid ahaa xadhiga sharci-darrada ah ee saxaafadda, taas oo caqabad ku ah xorriyadda hadalka iyo doorka warbaahinta ee wacyigelinta bulshada, iyadoo la isla falanqeeyay sida loo xoojin lahaa ilaalinta xuquuqda suxufiyiinta iyo in la hubiyo in warbaahintu si xor ah u gudato waajibaadkeeda iyada oo aan cadaadis lagu hayn.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Cabdalle Maxamed Carab ayaa hoosta ka xarriiqay sida ay Xukuumada uga go’an tahay ilaalinta xuquuqda aadanaha, wuxuuna xaqiijiyay in Wasaaraddu ay diyaar u tahay wada-shaqeyn buuxda la yeelato Komishanka Xuuquuqda Aadamaha Qaranka si loo horumariyo loona ilaaliyo xuquuqda muwaadiniinta, gaar ahaan kuwa ka tirsan bulshada nugul.

Kulankani ayaa noqonaya tallaabo muhiim ah oo qeyb ka noqonaysa dadaallada loogu jiro xoojinta hab-raacyada ilaalinta xuquuqda aadanaha ee dalka. Labada dhinac waxay ballan qaadeen inay sii wadayaan wada-shaqeynta si kor loogu qaado xuquuqda aadanaha iyo cadaaladda Somaliland.