Wasiir Maxamed Kaahin Oo Noqday Afhayeenka Beesha Habar’awal Sacad Muuse

0
183

Hargeysa,(Baraarugtv.com)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Muuse Biixi Cabdi Maxamed Kaahin Axmed,ayaa sheegay in dawladda faderaalka ee Soomaaliya ka dambaysay dhimashada  Cabdinaasir Muuse Dahable.isla markaana Wasiir kaahin oo la hadlay warbaahinta Xafiiskiisa Arrimaha Gudaha ee Hargeysa ayaa sheegay in marxuumku dhawaan qoray Qoraal dheer oo cilmiyaysa, kaasoo sheegaya in Somaliland Hawadeeda maamulan-karto iyo qaabka ay u maamuli-karto.

Geesta kale,Wasiirka arrimaha gudaha Muuse Biixi Cabdi,ayaa isu-badelay afhayeenka beesha Habar’awal,gaar ahaan beesha Sacad Muuse,isla markaana Wasiir Kaahin ayaa shaqada loo igmadey ee teetalka xilka uu hayo wasiirnimadda arrimaha gudaha maamulka muuse Biixi Cabdi,ayaa ah in xaduuda dhul ahaan ay ku fadhido somaliland ayuu sharci ahaan u leeyahay shaqadiisu tahey oo kaliya.

Arrimaha ka baxsan ciidda xaduudka dhulka Somaliland waxa qaabilsan Wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Muuse Biixi ama Wasiirka arrimaha dibadda Kayd,isla markaana dalalka ay xaduudo waddaagan somaliland iyo dalalka caalamka oo dhan ee arrimaha dibadda,hadday tahey siyaasadda arrimaha dibadda iyo muwaadiniinta dhalasho ahaan ka soo jeeda somaliland,kana shaqaysta dalalka dariska,kuwa caalamkaba,madaaba ay Somaliland ku doodayso inay ka madax-bannaantahey dawladda soomaaliya.Balse haddii muwaadin reer somaliland ah xamar lagu dilay waxay aheyd in Wasiirka arrimaha dibaddu ka hadlo Kayd.Halkee ayuu ka soo galay arrintan  maxamed kaahin,mise Waa wasiirkii arrimaha dibadda somaliland ee Kayd Baa?

Hase yeeshee,haddalka Wasiir Maxaned kaahin ayaa macno ahaan u dhacaaya in xaashaqsan yahey qabiilka beesha Muuse Biixi ee Habar,awal gaar ahaan Sacad Muuse,madaama marxuumka la dilay shaqaale ka ahas madaarka magaaladda muqdisho ee dawladda soomaaliya.

Emial÷baraarugnews@gmail.com