Waligaa Ma Is Go’doomisay?

0
18
Waligaa Ma Is Go’doomisay
Waligaa Ma Is Go’doomisay

Waligaa Ma Is Go’doomisay?

Waligaa Ma Is Go’doomisay
Waligaa Ma Is Go’doomisay

Hargeysa(Baraarugtv.com)-“Ma is waydiisay kuma/ tuma ayaad tahay? Adduunka maxaad u joogta?
Xaggee ayaad joogtay intii aanad dhalan? Marka aad dhimato xaggee ayaad ku danbaynaysaa?
Maxaynnu u nool nahay?
wayddiimo kale oo la mid ah. Si aynu isku wayddiinno su’aalahan waxa aynu u baahanahay in ay baranno isgo’doominta (khalaawada). Khalaawa ama Khalwa waxa ay la micno tahay go’doon ruuxi ah ama kelinimo loogu talagalay cibaado iyo fakarka ama isla-xisaabtanka. Waa xaalad uu qofku kaga dheeraanayo mashquulka adduunyada si uu u xoojiyo xidhiidhka uu la leeyahay Ilaahay SWT, isaga oo ku mashquulsan salaad, xus (dhikr), iyo fikir qoto dheer.

Noocyada Khalaawada ee Islaamka waxaa ka mid ah: (1) Go’doon ruuxi ah oo cibaado loogu talagalay. Waxaa sameeyey nabiyada iyo dadka suusuubban, sida Nebi Muxammad ﷺ oo ku go’doonay Buurta Xiraa ka hor intaan loo waxyoonin. (2) Go’doon ku meel gaadh ah oo lagu nafiso oo nafta lagu xisaabiyo. Waxay qofka ka caawisaa in uu dib u milicsado naftiisa, toobad keeno, oo Ilaahay la xidhiidho. Inta badan waxa la sameeyaa habeenkii xilliyada danbe. (3) Ictikaaf (اعتكاف). Waa nooc ka mid ah khalaawada oo la sameeyo tobanka dambe ee Ramadaanka, iyada oo qofku masjidka ku sugnaado si uu cibaado ugu go’.

Faa’iidooyinka Khalaawada:
Waxa ay leedahay faa’iidooyin badan oo ruuxi ah, waxaana ka mid ah: (1) Xoojinta xidhiidhka Ilaahay. Waxa ay qofka siisaa fursad uu Alle ku xuso, cibaadaysto, kana fakaro aayadaha uu ka mid yahay DAYAXA aynu kula socono RAMADAANTA, Qur’aanka iwm, taas oo kor u qaadaysa iimaanka iyo Alle ka cabsiga. (2) Nadiifinta maskaxda iyo qalbiga. Go’doonku wuxuu qofka ka fogeeyaa waxyaabaha mashquulinaya, waxa aanu siyaa fursad uu Alle ku xuso, taas oo keenta xasillooni iyo deganaan nafsi ah. (3) Towbad keenka. Marka uu qofku gooni u baxo, wuxuu helaa fursad uu naftiisa ku xisaabiyo oo cafis weydiisto Allaah. (4) Ka fogaanshaha fidnooyinka iyo danbiyada – Mararka qaar, khalaawadu waxay qofka ka ilaalisaa mashquulka adduunyada iyo in ay danbi geliyaan. (5) Helitaanka xasillooni iyo nasasho nafsi ah. Nolosha casriga ah ee mashquulka badan awgeed, go’doonku wuxuu qofka siinayaa fursad uu ku nasto oo uu kaga fogaado buuqa iyo walbahaarka. (6) Diyaargarowga hawlaha waaweyn. Nebi Muxammad ﷺ wuxuu kaligiis isku go’doomin jiray Buurta Xiraa kahor intaan waxyiga lagu soo dejin, taas oo muujinaysa muhiimadda khalaawadu u leedahay.

Fiiro-Gaar ah: Islaamku wuxuu dhiirrigeliyaa dheellitirnaan (balancing) in la isku dheellitiro cibaadada iyo xoogsiga. Inkasta oo khalaawadu faa’iido leedahay, haddana go’doonka buuxa laguma talinayo, maadaama bulshada dhexgalkeeda iyo caawinta dadka kale ay muhiim tahay.

Wixii aan tagay idinka ayaa ku dari.

WAAD MAHADSAN TIHIIN.
W/Q: Mustafe Aadan Muuse.