Berbera,(Baraarugtv.com)-“Dulmi iyo Cadaalad-darro ka Jirta Hay’ada Dekedaha Somaliland: Cabasho Toos ah oo ku Socota Madaxweynaha JSL Cabdiraxmaan Cirro”
Dulmi iyo Cadaalad Daro Aan Ka Tirsanaayo
Maareeyaha Dekedaha Somaliland Cali Maalintacab
Waxan ku soo biiray Shaqaalaha Hay’adda Dekedaha Somaliland Berbera sanadkii 2013 anoo xiligaa soo dhameeyay Jamaacada Hargeisa kana Qaatay Degree Kowaad Kuliyadda engineeringka. 2016 waxan ka shaqo galay Dekeda Berbera faraca badda.
Mudo ka dib waxan galay Jaamacada Culuunta Badda ee Berbera 2020, ka dib markii laygula taliyay. Sanadkii 2024 ayaan dhameeyay, iyadoo markaa aan u diyaarsanaa in aan noqdo Harbour Pilot.
Markay halkaa joogto waxan xaq u lahaa in aan helo xuquuqdayda iyagoo loo eegaayo Aqoontayda, Xirfadayda iyo Khibrada aan mudada dheer soo kobcinaayay. Nasiib daro se maan helin Sababo jiro awgood.
Maareeye Cali MaalinTacab Muddo 7 Jeer ku siman ayaan la kulmay anoo markasta ka codsanaya in lay tixgaliyo codsiga aan wato ah in aan dhamaystay shuruudihii lagu noqon lahaa Harbour pilot.
Ka dib maxaa dhacay?
Markii dheg jalaq laysiin waayay ayaan fariin cabasho iyo Codsi ah ku soo gudbiyay bartayda facebook. Hadaba layma tixgalin, hoosna looma eegine waxaaba laygu daray in Mushaharkii yaraa ee aan qaadan jiray la GOOSTO oo aan Duruufaha adag ugu samirnay, iyadoo laygu haysto maxaad u hadashay.
Ugu danbayn waxan fariin u dirayaa cid kasta oo ninkan nagu kibraaya naga qabata. Si gaara waxan Madaxwaynaha Qaranka Cabdiraxmaan Cirro ka codsanayaa inuu naga qabto masuulkan ku tagri falaaya awooda dawladeed.
Qoraalkan waxa noo soo diray Eng Axmed Maxamed Aadan oo noo sheegay innuu ka mid yahey shaqaalaha Dekedda Berbera ka hawl-gala.
email office Shabakada Warbaahinta baraarugtv.com,RSI TV
Email caarshe7@hotmail.com, baraarugnews@gmail.com



