“Waa Burburka Khaatumo iyo SSC Fadhigeedu yahey gudaha magaalada Laascaanood.”Wasiirka Puntland Juxa
Garoowe,(Baraarugtv.com)-wasiirka Arrimaha gudaha maamul-goboleedka Puntland Cabdi Faarax Juxa ,ayaa Sheegay in ay tahey dhamaadka dawladda Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.Isla markaana Wasiirka Puntland ayaa Ka Cadhooday hogaamiyaha bariga Laascaanood ee Khaatumo iyo SSC Oo Ka qayb-galey shirka wada-tashiga ee Xasan Sheekh ku qabtay magaalada Muqdisho. “Waa dhammaadka Madashii Qaranka – NCC.”Ayuu yidhi Wasiir Juxa Oo qoraalkan kooban ku qoray barta uu ku leeyahey baraha bulshada ee Facebuugiisa Oo aanu Ka Soo xiganay qoraalkan Halkan idinka muuqda.
Geesta kale,shirka Madaxweyne Xasan Sheekh Maanta ku qabtay magaalada Muqdisho, Waxa Ka maqnaa madaxweynayeyaasha maamul-goboleedyada Soomaaliya ee Puntland iyo Jubaland Siciid Deni iyo Axmed Madoobe.Balse hadalka Wasiirka Puntland Juxa,ayaa macno ahaan u dhacaaya in ay tahey burburka Khaatumo iyo SSC ee fadhigeedu yahey gudaha magaalada Laascaanood.
Office email:-baraarugnews@gmial.com