ujeedka Safarka Madaxweynaha Somaliland ee Imaaradka Carabta

0
50

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ku martiqaadday Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro in uu ka qayb galo shirka caalamiga ah ee World Governments Summit 2026 kaas oo lagu qabanayo magaalo Dubai, 3-5 Febraayo 2026.

Shirkani wuxuu isku keenaa madaxda dowladaha, ururrada caalamiga ah, ganacsatada iyo hogaamiyeyaasha fikradaha si loo dhiirrigeliyo iskaashi caalami ah iyo xalalka mustaqbalka dowlad-dhisidda.

Madaxweyne Cirro ayaa filayaa in uu shirka ku soo bandhigo guulaha ay Somaliland ka gaartay dhinacyada maamul wanaagga, horumarinta dhaqaalaha, iyo hababka dowladnimo ee casriga ah, isla markaana uu dalbado aqoonsi uu ka helo Caalamka.

Dowladda Imaaraadka ayaa sanadihii dambe Somaliland siiday madalo iyo fursado ay fariinteeda ugu gudbiso Caalamka intiisa kale.