Ujeedadda:-Kulan Dhex-marey Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Dalka Taywaan

0
44
Ujeedadda:-Kulan Dhex-marey Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland IyoWasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Taywaan Liu Shyh-fang,
Ujeedadda:-Kulan Dhex-marey Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland IyoWasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Taywaan Liu Shyh-fang,

Ujeedadda:-Kulan Dhex-marey Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland IyoWasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Taywaan Liu Shyh-fang,
Ujeedadda:-Kulan Dhex-marey Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland IyoWasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Taywaan Liu Shyh-fang,

Baraarugtv.com-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdalle Maxamed Carab iyo weftigii uu hoggaaminayey oo ay xubno ka yihiin Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Xasan iyo taliyaha ciidanka dab-demiska Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili), ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Taywaan Liu Shyh-fang, labada wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta iyo adkeynta xidhiidhka labada dal iyadoo la samaynayo iskaashi laba geesood ah gaar ahaan labada wasaaraddood oo ay muhiim tahay inay yeeshaan iskaashi wada shaqayneed.

Dhanke kale, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Taywaan ayaa xarunta wasaaradda ugu samaysay weftiga jamhuuriyadda Somaliland qado sharaf iyo soo dhaweyn diirran, iyadoo uu qaabilay Wasiir ku- Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mudane Ambaasadoor Wu Chih-chung François. Soo dhawayntan iyo marti qaadkan ayaa muujinaya xidhiidhka qotada dheer ee ka dhaxeeya labada dal, iyadoo lagaga wada hadlay sii adkeynta xidhiidhkaas, kobcinta iskaashiga wax-ku-ool ka ah iyo sidii looga wada shaqayn lahaa danaha ay wadaaggaan labada dal.
Waxa iyaguna dhankoda si weyn ugu mahadceliyey Wasiir ku- Xigeenka Wasaaradda iyo Guud ahaanba Wasaaradda Arrimaha Dibedda, weftigii jamhuuriyadda Somaliland, iyagoo tilmaamay in soo dhaweyntani tilmaamayso saaxiibtinimada labada dal iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa hay’addaha labada dawladdood.

Sidoo kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maxamed Cabdiraxmaan Xasan ayaa booqday Machadka Diblomaasiyadda iyo Arrimaha Caalamigaa ee Taywaan, iyadoo uu halkaas ku soo dhaweeyey madaxa machadka Mudane Yaser T. H. Cheng iyo saraakiil kale, waxaanay agaasimaha warbixin ka siiyeen qaybaha Machadka iyo siduu u shaqeeyo, dhankiisa agaasimaha ayaa isaguna warbixin ka siiyey Machadka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Jamhuuriyadda Somaliland ee loo soo gaabiyo (SIDIA) , booqashadan agaasimaha ayaa abuuraysa inay wada shaqayn yeeshaan labada machad ee labada wasaaraddood, maddaama wasaaradda arrimaha dibedda jamhuuriyadda Somaliland ay aasaastay machadka diblomaasiyadda iyo arrimaha caalamigaa oo hormuud ka noqonaya kobcinta aqoonta, xirfadda iyo shaqada diblomaasiayadda ee shaqaalaha wasaaradda , iyadoo ay dufcaddii ugu horreysay ka baxday.