colaada Gobolka Sool tahay mid maxali ah oo Somaliland ka dhex …

0
26

Turki(Baraarugtv.com)-Madaxweyne Xasan oo ku sugan Turkiga ayaa sheegay inuu Laascaanood ugu diray Raysal Wasaare Xasme sidii uu u abuuri lahaa weji lagu wadahadli karo.

Wuxuu xusay in colaada Gobolka Sool ay tahay mid maxali ah oo Somaliland ka dhex taagan aysana qayb marna ka noqon doonin dowlada Soomaaliya.

Hadalka Xasan wuxuu meesha ka saarayaa rajadii ay dad badan ka qabeen Xamse inuu ku dhawaaqo in SSC Khaatumo tahay maamul goboleed hoos taga Federaalka.

Jamhuuriyada Somaliland ayaa iyadu marar badan horay u sheegtay inay diyaar u tahay wadahadal ayna soo dhoweynayso cid kasta oo gacan ku siinaysa nabada.